Kormeerka shaqo oo Guddida Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida Qaranku joogto Gobolka Togdheer Magaalo Madaxdiisa Burco.

0
Tuesday May 07, 2019 - 22:56:04 in News by
  • Visits: 1737
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kormeerka shaqo oo Guddida Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida Qaranku joogto Gobolka Togdheer Magaalo Madaxdiisa Burco.

    Kormeerka shaqo oo Guddida Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida Qaranku joogto Gobolka Togdheer Magaalo Madaxdiisa Burco.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kormeerka shaqo oo Guddida Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida Qaranku joogto Gobolka Togdheer Magaalo Madaxdiisa Burco.

Hargaysa(HWN) Waxa Guddida Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida Qaranku ee Golaha Wakiilada Hamhuuriyadda Somaliland oo safar shaqo ku joogay Magaalo Madaxda Gobolka Togdheer ee Burco. 

Safarkan oo u jeedadiisu ahayd kormeerida mashriicdii ku xusnayd in laga saaray Miisaaniyadii 2017, isla markaana ku xusan in la fuliyey Warbixinta xisaab xidhka 2017, iyadda oo Guddidu xooga saartay dhismaayaasha iyo Gaadiid laga saaray Misaaniyaddii 2017 ee ku qoran Xisaab xidhka 2017.

Waxa guddidu kormeer shaqo ku soo martay dhismayaal kala duwan, kuwaas oo lagu sheegay warbixinta xisaab xidhka in laga dhisay Gobolada dalka, gaar ahaan iyada oo Guddidu Komeer ku soo martay Goobo kala duwan, sida Jeelka weyn ee Burco oo dhammaaday, Xaraunta Wasaarada hawlaha Guud, Guryeynta iyo dhulka, iyo Guriga Madaxtooyada Burco. Kuwaas oo dhammaantood ku yaala Magaalada Madaxda Gobolka Togdheer ee Burco.

Waxa kale oo Guddidu maalintii labadaad safar shaqo ugu baxday Magaalada oodweyne si ay u soo aragto dhismaha Wasaarada Arrimaha Bulshada iyo shaqogelina oo isna laga hirgeliyey magaalada oo oodweyne, iyada oo sidoo kale ku xusan warbixinta Xisaab xidhka 2017 ee ka timid Miisaaniyadii 2017.

Guddida waxay rajaynaysaa in dhammaan mashaariicda horumarineed ee laga fuliyey Gobolada dalka ka la wadaagi doonto, ka dib marka la furro kalfadhiga soo haddii Alle idmo.
Loading...
Loading...