Qofka lagu tuhmayo weerarkii Nukliyeerka Iran oo la shaaciyey

0
Sunday April 18, 2021 - 13:25:20 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1485
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qofka lagu tuhmayo weerarkii Nukliyeerka Iran oo la shaaciyey

    Qofka lagu tuhmayo weerarkii Nukliyeerka Iran oo la shaaciyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qofka lagu tuhmayo weerarkii Nukliyeerka Iran oo la shaaciyey

TEHRAN(HWN):-Iran ayaa Sabtidii magacowday qof lagu tuhmayo weerarkii lagu qaaday xarunteeda nukliyeerka ee Natanz, kaasi oo waxyeeleeyey qaar ka mid ah sheybaarada, ayada oo sheegtay inuu dalka ka baxsaday "saacado ka hor” weerarka.


Taleefishinka dowladda ayaa magaca tuhmanaha ku sheegay Reza Karimi oo 43 jir ah. Waxa uu muujiyey sawir nooca baasaboorka ah ee qofkan, wuxuuna intaas ku daray inuu ku dhashay magaalada Kashan ee u dhow Natanz.
The photo of the man on Iranian state television

Warbixinta ayaa sidoo kale baahisay wax u muuqda "war-gelinta cas” ee booliska caalamiga ah ee Interpol oo lagu doonayo in lasoo xiro. Si kastaba, ogeysiiskan ayaan durba laga heli karin xog-dhigga Interpol. Interpol, oo fadhiggeedu yahay magaalada Lyon ee France, ayaa sidoo kale diiday inay ka hadasho.

Warbixinta TV-ga ayaa sheegtay in "tallaabooyin lagama maarmaan ah” ay socdaan si Karimi dib loogu soo celiyo Iran, ayada oo aan bixin sharaxaad.
"Wargelinta cas” ee la sheegay inay ka timid Interpol ayaa waxaa ku liis gareysan inuu horey ugu safray dalal ay ka mid yihiin Ethiopia, Kenya, Netherlands, Qatar, Romania, Turkey, Uganda iyo Imaaraadka Carabta.

Warbixinta sidoo kale ma sheegin sida ay Karimi ugu suurta-gashay inuu galo mid ka mid ah xarumaha ugu amni sugnaanta adag ee Jamhuuriyadda Islaamiga.

Si kastaba, mas’uuliyiinta ayaa markii ugu horreysay qirtay in qarax uu ka dhacay xarunta. "Waxaa jiray qarax yar oo asiibay qeyb yar oo ka mid ah marinka korontada laga siiyo sheybaarka,” ayaa lagu yiri warbixinta.
AP/VOA-Somali
Loading...
Loading...