Xaalada Muqdisho iyo dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee saacadihii ugu danbeeyay

0
Sunday April 18, 2021 - 10:00:51 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1827
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaalada Muqdisho iyo dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee saacadihii ugu danbeeyay

    Xaalada Muqdisho iyo dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee saacadihii ugu danbeeyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaalada Muqdisho iyo dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee saacadihii ugu danbeeyay

Muqdisho(HWN):-Magaalada Muqdisho wali waxaa ka taagan xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay go'aankii uu dhawaantan Baarlamaanka Soomaaliya mudada labada sano ah ugu kordhiyay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.



Saacadihii ugu danbeeyay waxaa magaalada ka jiray kulamo iska soo horjeeda oo ay lahaayeen xildhibaanno iyo siyaasiyiin ku kala aragti duwan arinta, dhinaca kalana waxaa wali taaggan xiisada u dhaxeysa dowladda iyo Jeneraalka dhawaantay xilka laga eryay ee Saadaq Jon oo fariisin ka dhigtay xaafadda Shirkole ee magaalada Muqdisho.

Xalay magaalada waxaa ka dhacay kulamo la xiriira arintan oo uu ka mid ahaa kulan la sheegay in ay yeesheen hogaamiyeyaasha midowga musharaxiinta iyo madaxweynayaasha Hirshabeele iyo Galmudug.

Lama sheegin wax ka soo baxay kulanka hasse ahaatee waxaa muuqata hadda in arintu ay isku badashay in ay sameysmaan isbaheysiyo hor leh oo siyaasadeed iyo kuwa beelleed, iyadoo xildhibaannada qaar ay ku eedeeyeen madaxweyne Farmaajo in uu duulaan ku yahay sida ay hadalka u dhigeen beel gaar ah.

Dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa siweyn u hadal hayay xiisada ka jirta caasimada iyo halka ay wax ku danbeyn doonaa, waxaana jira meelaha qaar dhinacyada iska soo horjeeda isku hub uruursanayaan.


Loading...
Loading...