Mucaaridka Oo Go'aan cad ka qaatay Codsi uga yimid Madaxweyne Farmaajo

0
Sunday April 18, 2021 - 09:07:06 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2279
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mucaaridka Oo Go'aan cad ka qaatay Codsi uga yimid Madaxweyne Farmaajo

    Murashaxiinta Oo Go'aan cad ka qaatay Codsi uga yimid Madaxweyne Farmaajo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Murashaxiinta Oo Go'aan cad ka qaatay Codsi uga yimid Madaxweyne Farmaajo

Muqdisho(HWN):-Kulan u dhaxeeyay Midowga Musharaxiinta iyo Madaxweynayaasha Galmudug iyo HirShabeelle ayaa xalay ka dhacay hoyga uu Muqdisho ka degan yahay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.
Musharaxiinta oo go’aan ka gaaray codsiga Farmaajo iyo buuq hareeyey kulanka


Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa kulankaas Midowga Musharaxiinta kula wadaagay fariin ay uga wadeen madaxweyne Farmaajo, taas oo ah in Musharaxiintu ay aqbalaan kulan uu ka soo dalbaday madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday ee Farmaajo.

Musharaxiinta ayaa ku gacan seyray farriintii ay wadeen Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle, waxayna si cad u diideen codsiga ka yimid Madaxweyne Farmaajo ee ah inuu la kulmo.

Warku waxa uu intaas ku daray in Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu isaga baxay kulanka, kadib markii Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe ay ula yimaadeen musharaxiinta fariin aan ka turjumeyn mowqifkii ay ka sugayeen.

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe ayaa laga sugayay inay mowqif cad ka qaataan mudo kororsiga Farmaajo, isla markaana ay go’aankooda ka cadeeyaan shirweynaha beelaha Hawiye ay iclaamiyeen Isniinta todobaadkan.

Hase yeeshee kulankii xalay u dhaxeeyey iyaga iyo musharaxiinta ayey xaadireen iyagoo ah farriin sidayaal, taas oo keentay in kulanka uu ka baxo musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur, kadibna sidaas lagu kala tago.

Loading...
Loading...