Wasiirka Hawlaha guud Oo Baaq Nabadeed u diray beelaha ku Diriray Deegaanka Dhabar-dalool

0
Sunday April 18, 2021 - 08:24:32 in News by A. Asbaro
  • Visits: 932
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Hawlaha guud Oo Baaq Nabadeed u diray beelaha ku Diriray Deegaanka Dhabar-dalool

    Wasiirka Hawlaha guud Oo Baaq Nabadeed u diray beelaha ku Diriray Deegaanka Dhabar-dalool

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Hawlaha guud Oo Baaq Nabadeed u diray beelaha ku Diriray Deegaanka Dhabar-dalool

Hargeisa(HWN):-Wasiirka wasaaradda howlaha guud dhulka iyo guriyaynta Mudane Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi, ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walalaha ah ee ku dagaalamaya deegaanka Dhabar-dalool, isaga oo ka codsaday in ay colaada joojiyaan.



Sido kale wasiirku beelaha u soo jeediyay inay arinta colaada dhalisay halkaas ku hakiyaan, isla markaana xaajadaas dhulka la dhigo, isagoo Qurbo-joogtana u soo jeeddiyay inay faraha kala baxaan hurinta Colaadaas.

Wasiirka howlaha guud dhulka iyo guriyantu isagoo arimahasi ka hadlaayanna waxa uu yidhi

"Waxan halkan baaq nabadeed uga diraaya dagaalki ila daraad ka socoday degaanka Dhabar-dalool, ee degmadda Xuduun Gobolka Sool .
Taas oo uu dagalkaasi sababay khasaare isuggu jiira dhimaasho iyo dhawac, waxan bulshadda degmadda Xuduun Gobolka Sool ugu baqaaya dagaalka, oo ariinta wada hadal lagu dhameeyo isla markana xajadaasi dhulka la dhigo”

Wasiirku sido kale waxa u fariin u diray Qurbo-joogta labada belood e walaalaha ah ee degaankasi ka soo qayb qadaan huriinta colaadoda."Waxa aan dadka ka codsanaya dadka arinta ka wada dhibaato ka sii socoto isku gobabinaya in ay ILLAAHEY ka yabaan oo bisha barakaysan ee ramadaan ay ka xishodaan ee ILLAAHEY cibaadada u soo dejiyay”

Loading...
Loading...