Maxay Maraykanka Iyo Dalalka reer Yurub U Eryaddaan Dublamaasiyiinta Ruushka?

0
Sunday April 18, 2021 - 08:14:12 in News by A. Asbaro
  • Visits: 918
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Maraykanka Iyo Dalalka reer Yurub U Eryaddaan Dublamaasiyiinta Ruushka?

    Maxay Maraykanka Iyo Dalalka reer Yurub U Eryaddaan Dublamaasiyiinta Ruushka?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxay Maraykanka Iyo Dalalka reer Yurub U Eryaddaan Dublamaasiyiinta Ruushka?

Hargeisa(HWN):-Laba nin oo u dhashay dalka Ruushka oo looga shakisan yahay in Salisbury ay sanadkii 2018 ku sumeeyeen Sergei Skripal oo ka tirsanaan jiray sirdoonka dalka Ruushka ayaa haatan lala xiriirinayaa qarax ka dhacay meel lagu keydiyo hubka oo ku taal jamhuuriyadda dalka Czech, muddo haatan afar sano laga joogo.


Booliska dalka Czech ayaa shaaciyay sawirrada Alexander Petrov iyo Ruslan Boshirov, oo ay sheegeen in xilliga qaraxa uu dhacayay ay ku sugnaayeen waddanka. Qaraxaasi ayaa waxaa ku dhintay laba qof.

Jamhuuriyadda Czech ayaa aargoosi ahaan dalkeeda ka ceyrisay 18 qof oo ah diblomaasiyiin Ruush ah. Xildhibaan caan ah oo ka tirsan baarlamaanka Ruushka ayaa eedeyntaasi ku tilmaamay mid aan macquul ahayn.
Ruush

Ra'iisalwasaaraha jamhuuriyadda Czech, Andrej Babis, ayaa sheegay in dalkiisu uu ku qasban yahay inuu ka falceliyo arrintaasi ah in qaraxaasi ay ku lug lahaayeen sirdoonka milatariga Ruushka ee GRU.

Shir jaraa'id ayuu Babis ka sheegay in 18-ka diblomaasi ee la ogaaday in ay u shaqeeyaan sirdoonka Ruushka ay haystaan 48 saacadood oo ay tahay in ay dalka kaga baxaan.

Booliiska ayaa sidoo kale soo saaray codsi ah in laga caawiyo raadinta laba shaqsi oo ay sheegeen in ay ku sugnaayeen waddankaasi intii u dhaxeysay 11 Oktoobar ilaa 16 Oktoobar sanadkii 2014, kuwaasi oo markii hore ku sugnaa magaalada Prague kaddibna lagu arkay aagga uu ku yaallay keydkaasi hubka.

Booliska Czech ayaa raadinaya tuhmaneyaal adeegsanaya aqoonsiyada Alexander Petrov iyo Ruslan Boshirov oo lala xiriirinayo qaraxaasi.
Magacyadani ayaa ah kuwii ay isticmaaleen laba sarkaal oo ka tirsan sirdoonka Ruushka oo dowladda UK ay sheegtay in sanadkii 2018 Salisbury oo UK ka tirsan ay ku sumeeyeen Sergei Skripal iyo gabar uu dhalay.

Sawirrada raggani ee booliska Czech ay shaaciyeen ayaa la mid ah kuwa ay horey u soo bandhigeen booliska dalka UK. Weerarkii Salisbury kaddib, ayaa la shaaciyay magacyada dhabta ah ee raggani oo lagu sheegay Alexander Mishkin iyo Anatoliy Chepiga, kuwaasi oo markii dambe ka soo muuqday telefishin laga leeyahay dalka Ruushka, iyagoo sheeganaya in ay yihiin shakhsiyaad ka shaqeeya arrimaha ciyaaraha, ayna booqdeen Salisbury.

Haseyeeshee, mas'uuliyiinta UK ayaa waxay sheegeen in raggani ay ka tirsan yihiin sirdoonka milatariga Ruushka ee GRU, ayna sunta Novichok mariyeen albaabka guriga Skripal oo horey uga tirsanaan jiray sirdoonkaasi GRU.

Skripal iyo gabadha uu dhalay ayaa suntaasi la xanuunsaday basle markii dambe waa ay ka bogsadeen. Dowladda Ruushka oo ka jawaabaysa eedeymahani ayaa sheegay in dastuurkeeda uusan ogoleyn in muwaadiniintooda loo soo gacan geliyo dowlado kale.

Siyaasiga Ruushka u dhashay ee Vladimir Dzhabarov ayaa sheegay in eedeymaha jamhuuriyadda Czech ay yihiin kuwo aan macquul ahayn isla markaana ay tahay in Ruushku si u dhiganto uu uga falceliyo ceyrinta diblomaasiyiintiisa.

Dowladda Mareykanka ayaa horey u sheegtay in ay eryayso 10 qof oo ah diblomaasiyiin ka tirsan safaaradda Ruushka ee Washington DC, arrintaasi oo la sheegay in looga falcelinayo weerar dhanka intarneedka ah oo Ruushku uu ku qaaday laamaha dowladda Mareykanka. Xukuumadda Moscow ayaa iyana sheegtay in toban diblomaasi oo Mareykan ah ay dalkeeda ka ceyrinayso.
BBC-Somali

Loading...
Loading...