Tirada Dadka Uu Ku Dhacay Xanuunka Covid-18 Oo Gaadhay Sadex Milyan

0
Sunday April 18, 2021 - 08:06:37 in News by
  • Visits: 678
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tirada Dadka Uu Ku Dhacay Xanuunka Covid-18 Oo Gaadhay Sadex Milyan

    Tirada Dadka Uu Ku Dhacay Xanuunka Covid-18 Oo Gaadhay Sadex Milyan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tirada Dadka Uu Ku Dhacay Xanuunka Covid-18 Oo Gaadhay Sadex Milyan


Tirada dadka dunida oo dhan ugu dhintay cudurka Covid-19 ayaa kor u dhaaftay saddex milyan oo qof, sida ay shaacisay jaamacadda Johns Hopkins.

COVID-19 | Epicentre


Warkan ayaa ku soo beegmaya maalin uun kadib markii madaxa hay'adda caafimaadka adduunka uu ka digay in caalamka uu "wajahayo sare u kac dhanka faafidda cudurka ah".

Dalka Hindiya oo uu ku soo rogaal celiyay xanuunka ayaa Sabtidii oo qura diiwaangeliyay 230,000 oo kiisas cusub ah.

Ku dhawaad 140 milyan oo kiis ayaa la diiwaangeliyay tan iyo markii uu xanuunka bilowday.

Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus oo ah madaxa hay'adda caafimaadka adduunka ayaa Jimcihii sheegay in kiisaska iyo dadka u dhimanaya cudurka ay gaareen heer walaac leh.

Maraykanka, Hindiya iyo Brazil oo ah dalalka diiwaangeliyay kiisaska ugu badan ayaa waxa ku dhintay in ka badan milyan qof, sida ay shaacisay jaamacadda Johns Hopkins.

Todobaadkii la soo dhaafay, celcelis ahaan 12,000 oo dhimasho ayaa maalintii laga diiwaangeliyay daafaha caalamka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

Waxay u badan tahay in tirada kiisaska iyo weliba dhimashada ay aad uga badan tahay tan la shaaciyay.

Maxaa ka socda Hindiya?

Hindiya ayaa bilihii la soo dhaafay u muuqatay mid xakameysay faafidda cudurka. Balse Covid-19 ayaa dhowrkii todobaad ee la soo dhaafay aad ugu faafay shacabka dalkaas ee tiradoodu ka badan tahay 1.3 bilyan oo qof.

Cisbitaallada ayaa wajahaya xaalad adag oo waxaa buux dhaafay sariiraha bukaanka iyadoo ay gabaabsi tahay oksijiinta. Waxaa dib loo celiyay dad xanuunsan, halka dadka qaar ay dawooyinka ka soo iibsanayaan suuq madow.

Baaritaan ay BBC samaysay ayaa lagu ogaaday in qiimaha dawada ee lagu iibiyo suuqa madow ee Hindiya ay 5 laab sare u kacday.

Waxaa maalmaha Sabtida iyo Axada xayiraad buuxda la saaray caasimadda Delhi, xilli ay dowladdu la tacaalayso faafidda cudurka.

Ra'iisal wasaare Narendra Modi ayaa ugu baaqay dadka aaminsan Hindugu inay joojiyaan munaasabadda Kumbh Mela, si looga hortago faafidda cudurka.

Dalalka kale ee uu cudurka ku faafayo

Brazil oo ah dalka saddexaad ee diiwaangeliyay kiisaska ugu badan, ahna kan labaad ee ay dhimashadu ugu badan tahay, ayaa weli la tacaalaya xakameynta cudurka.

Jimcihii oo qura, waxaa dalkaa laga diiwaangeliyay in ka badan 85,000 oo kiisas cusub ah, halka dhimashadana ay ahayd 3,305 qof.

Canada ayaa sidoo kale shaacisay inuu sare u kacay faafidda cudurka ee dalkeeda.


Source:-BBCsomali
Loading...
Loading...