Hal-Abuur Qoaraa Xamse Riiraash Oo Ka sheekaynaya Qisadii Nabi Idris.

0
Saturday April 17, 2021 - 17:27:41 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1080
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hal-Abuur Qoaraa Xamse Riiraash Oo Ka sheekaynaya Qisadii Nabi Idris.

    "Qisadii Nabi Idris.calihi salaatu wasalaam."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Qisadii Nabi Idris.calihi salaatu wasalaam."

Taxanayaasheenii iyo maqaaladeenii wax ku oolka ahaa ayaynu walli sii anbaqaadaynaa taasi oo aynu ugu talla galnay bisha barakada badan ee soon qaad.


Maantana waxa aynu is yar dul joogsanaynaa qisadii amaba sheekadii nabi ka mida anbayadiisa kaas oo loogu yeedhi nabi idris waxa aynu is wayddiinanaa kumuu ahaa nabigaasi?



idris waxa uu ka mid ahaa addoomada ilaahay ee wa wanaagsanaa. wuxuu ahaa caalim ku xeeldheeraa aqoonta iyo xikmadaha. wuxuu ka mid ahaa qofkii ugu horreeyay ee dunida keenay sida qalinka wax loogu qoro iyo sida dharka loo tosho.wuxuu kaloo ahaa nabi aqoon badnaa alle ka cabsi badnaa.wuxuu kaloo ahaa mid yiqaanay cilmu falaga iyo cilmiga xisabaadkaba.


wuxuu kusoo wareegay caalamkoo dhan isaga oo galay magaallo kastA .waxa uu dadkii u iftiimin jiray barashada ilaahay iyo caabudaada alle.isla markaana waxa uu dadka uga digaayay waxyaalaha xun xun.wuxuu ahaa mid jecel dadka oo dhan.


Malaa’igta ilaahay waxa ay ahaayeen qaar jecel Idris, maxaa yeelay markaste waxa uu badin jira ,tasbiixda iyo adkaarta, wuxuuna daa’imi jiray salaada iyo sakada.


Sidaa oo kale ayay idris u jeclaadeen shucuubta aduunyadu, dawlad kastaana waxa ay ku magaacaabi jirtay magac u gooniya iyo mansab u gaara.


Masaaridii hore waxay ku magacaabi jirtay Idris Hurmas ,waxayna aaminsanaayeen inuu yahay inankii Minf ee caasimada Fircooniyada Masar,kaddibna soo maray wadamada oo dhan ugu danbayntiina kusoo laabtay Masar.


Yuhuuduna waxay Idris u taqaanay ,Akhnukh waxayna yidhaahdeen wuxuu ahaa idris midka mida anbiyadii markii danbena lageeyay xaga sare.


Dadkii giriiga aha waxa ay idris u yiqaaneen Awrinkii saddexaad, isla markaana waxa ay ka aaminsanaayeen inuu ahaa dadkii xikmada lahaa ee aduunyadan xukumi jiray.


Dadka islaamkuna waxay idiris u yiqaaneen Sadiiqul Nabi maxaa yeelay ilaahaybaa qur’aankiisa inoogu waramay in la geeyay meelsare.


Nabigeenu Caliyihi salaamee wuxuu ku arkay Idris habeenkii israa'ga samada afaraad.


Wuxuu ahaa Idris mid habeeniyo dharaar akhriya suxufigii lagu soo dajiyay ee la odhan jiray Shiis

Ugu danbayntiina wuxuu ahaa addoon ka mida addoomada ilaahay ,ee loo doortay Nabinimada, naxariisi korkiisa ha ahaatee,isaga ityo Nabigeenaba iyo Anbiyada dhamaandood


W/Q: [email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...