Xabsiga Ayaad Ku Hor Ciyaaraysaa: Hal-hays Qof Nugul Lagu Waabiyo! W/Q Siciid Maxamuud gahayr

0
Saturday April 17, 2021 - 17:06:31 in Articles by
  • Visits: 1317
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xabsiga Ayaad Ku Hor Ciyaaraysaa: Hal-hays Qof Nugul Lagu Waabiyo! W/Q Siciid Maxamuud gahayr

    Xabsiga Ayaad Ku Hor Ciyaaraysaa: Hal-hays Qof Nugul Lagu Waabiyo! W/Q Siciid Maxamuud gahayr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xabsiga Ayaad Ku Hor Ciyaaraysaa: Hal-hays Qof Nugul Lagu Waabiyo! W/Q Siciid Maxamuud gahayr

Horta qof aanad malayn karin xadhkaha dhaqan, diblamaasiyadeed, waddaniyadeed, is-aqoon iyo xidhiidh ee ka dhexeeya cidda aad isku khuulhinayso, weedhaas ha u adeegsan. Nin 1988 madaafiicdu sigaysay ha ku odhan waad ciyaaraysaa. Waan ka koray baqagelinta.
Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr Oo Ka Warramay Qaabkii Uu Uga Badbaaday Ciidammada Booliska Ah Oo Uu Sheegay Inay Soo Weerareen – somalilandtoday.com


Ta kale, dad badan ayaa xaq sheegi lahaa, haddana xiniinyaha ayaa laga saaray. Iyaga oo bannaanka jooga ayaa ay keerkeerayaan, kelmadna ma tebin karaan. Kashooda iyo kaskooda waxa ka dhex guuxaya katiinad. Waxa maankooda ka guuxaya in mirirkaba cudud lagu muquunin doono oo maxaabiis laga dhigi doono. Sidaas awgeed ayuu afkoodu juuqda u gabay.

Marka aad xaq ka hadlayso:

1. Qorshahaagu ha ahaado inaanad tebin hadal iyo qoraal xadgudub ku ah qof xil haya ama xoogsanaya

2. Ha ka tegin xarragada iyo xulashada weedhaha. Xitaa haddii aad wax dhaliilayso qofka sii xurmadiisa

3. Xiska ku hay in ummadda Nebi Maxamed NNKH ay bulshooyinka kale kaga mudan tahay farista wanaagga iyo reebista xumaanta, inta aad hawshaas waddana waxa aad gudanaysaa waajib.

4. Xabsigu ma aha meel lagu waaro, haddii aad baqanayso ama dan eeganayso inta waajibjka gudanaysa

5. Diyaar u ahaw gabboodfal kasta oo yimaadda mar haddii aad gar ku taagan tahay, haddii aad been sheegaysana Ilaahay iyo umadda ka xishood

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...