Kani Waa Saxaabi Weeyn Hadane Mucjisooyiinka Islaamka Ka Mid ah !

0
Saturday April 17, 2021 - 11:51:20 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1536
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kani Waa Saxaabi Weeyn Hadane Mucjisooyiinka Islaamka Ka Mid ah !

    Magaciisa Oo Sadaxan Waa Sacad bin Mucaad bin Nucman bin imru`ul qeys bin Zeyd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaciisa Oo Sadaxan Waa Sacad bin Mucaad bin Nucman bin imru`ul qeys bin Zeyd



Xoogagii Geesiyaasha ahaa EeNabi Muxamed ﷺ Ku Hareereysnaa Mid Ka Mid Ah Taariikhdiisa Taas Oo Dunida Raad Weeyn Ku Reebta Adigane Lagaa rabo inaad baratid ????

Waxaa Uu Shahiiday Lix Sano Markii Laga Joogo islaamnimadiisa Sidaas ay Tahay Waxaa Uu Qabtay Wax Uusan qaban Karin Qof islaamka Ku dhashay

Waa Saxaabigii La Wada jeclaa Ee La Oran jiray #Sacad_bin_Mucaad Allah Ka Ralli noqdo

{30} Sodon Sano jir ayuu Ku Soo islaamay Waxaa Uu Ku geeriyooday Sodon iyo Lix Sano jir {36}Sano

Kaliya Lix Sano ayuu islam ahaa

Cimrigaa Sidaa U gaaban Muxuu qabtay.? Isla Markaane Ku gaaray Darajadaa Sidaa U Weeyn Allah agtiisa Karaamo Weeyn kaga yeeshay

Magaciisa Oo Sadaxan Waa Sacad bin Mucaad bin Nucman bin imru`ul qeys bin Zeyd bin Cabdil ash-hal Allah Ka ralli noqdo

Waxaa Uu Ku Soo islaamay gacanta Safirkii islaamka Ee Madiina Muscab bin Cumeeyr Allah Ka ralli noqdo Kaas Uu Nabiga csw Madiina u diray Si Uu dadkeeda islaamka ugu yeero Kadib Heshiiskii Beycatul-qabah.

Sacad bin Mucaad Allah Ka ralli noqdo Markii Uu Islaamay Waxaa Uu Ka dhex istagay Qoomkiisa Waxaa Uu jeediyay Khudbad Dheer Oo aheeyd: War banii Cabdi Ash-haloow Maxaad igu Taqanaan .?

Waxeey yiraahdeen Waxaa tahay Sayidkeena Oo Aan Amarkiisa Ku Dhaqano Kuna Kalsoonahay,

Waxaa Uu yiri Hadalkiina Wax Kama jiro Haddeydan Dhamaantiin Diinta qaadan Oo aydan Rumeeyn Allah iyo Rasuulkiisa csw

Waxaa La Sheegay dhamaan Reer Tolkii Hal Gabadh iyo Hal Wiil Kama Harin Dhamaan islaamka ayeey qaaten Allahu akbar

Sida ay Xarun lagu faafiyo Diinta islaamka U aheeyd Daartii Uu daganaa Muscab bin cameeyr ayeey Sido kale gurigii Sacad bin Mucaad ayadane U noqotay markaz Islaami ah

Sacad iyo Usayid bin Xadiir Labadooda Allah Ka ralli noqdee Waa labadii Hogaamiye Ee gacantooda Ku bur buriyay Asnaamtii Reerkooda Caabudi jiren

Markii Uu Rasuulka CSW U Soo hijrooday Madiina Waxaa Uu Walaaleeyay Sacad iyo Abu Cubeyda Caamir bin jaraax Allah Ka ralli noqdo

Sacad bin Mucaad Waxaa Uu Nabiga Kala qeeyb galay Dagaalkii Beder

Dagaalka inta Uusan bilaaban Rasuulka Waxaa uu bilaabay in Uu Asxaabtiisa La Shuureeyo Dadka Uu La tashaday Waxa Ka mid aha Sacad bin Mucaad Allah Ka ralli noqdee Oo ahaa Hogaamiyaha Reer Ansaareed gaar ahaan Reer Ows, Goobtii Shirka ayuu Ka dhex hadlay isaga Oo yiri Sidan:

«قد آمنا بك وصدقناك، وشهدنا أن ما جئت به الحق، وأعطيناك مواثيقنا على السمع والطاعة، فامض يا رسول الله لما أردت، فنحن معك، فوالذي بعثك بالحق، لو استعرضت بنا هذا البحر لخضناه معك، ما تخلف منا رجل واحد، وما نكره أن تلقى بنا عدونا غدًا، إنا لصبر عند الحرب، صدق عند اللقاء، لعل الله يريك فينا ما تقر به عينك، فسر بنا على بركة الله.

Waxaa Uu Siday Calanka Reer Ows Maalintii dagaalka beder Waxaa Kale Uu Rasuulka CSW Kala qeeyb qaatay dagaalkii Uxud" Muslimiintii badnkood, Markii jabeen isaga Waxaa Uu Ka Mid ahaa Dadkii yaraa Ee Rasuulka CSW isku Wareejiyay Duullaankii Khandaq ayuu Godka dhinicisa ka qoday

Duullaankii Axzaab gaalo badan isa soo baheysteen Markii Uu dhamaday Nabiga Waxaa Uu isugu Wacay dhamaan Asxaabtii dagaalameysay Si dagaal adag loola galo yahuudii reer banii KhureeydaOo Ka baxay ballankii ay Hore Ula galeen Nabiga iyo Asxaabta...

Taas oo aheeyd in Magaalada Madiina Lawada difaaco Ka dib qureesh la soo safteen

Isku Weer Ayaa Lagu qabtay Waxeey go`doon sanaayeen 25Maalin ilaa ay Nabad soo dirsadeen Amaan hanala siiyo Waan is dhiibi

Waxeey yiraahdeen Waxaan Ku qanacsanahay Xukunka Uu Nagu Xukumo Sacad bin Mucaad

Waxeey u doorteen Xukunkisa ayaa la yiri Hore ayeey gaashaan buursi U Wada ahaayeen Marka Waxeey is leeyihin Waa Uu idiin Naxariisan doonaa

Nabiga Waxaa Uu dalbay in Loo Keeno Sacad bin mucaad Waxaa lagu Keenay isaga Oo dusha Ka saaran dameer dhaawac Culus Ku yaalo Waxaa lagu yiri " Sacadow Kuwan Xukunkooda Tilmaam Adiga ayeey Ku doorteen Waxii laga yeeli lahaa Adigaa laa Sugayaa

Waxaa Uu dhahay Sacad bin Mucaad Allah Ka Ralli noqdee Kuwan Haddii Aniga leey dhiibo Xukunkooda Waxaan leeyahay Kuwooa dagaalami Karo Halla toogto Ubadkoodana Hala qafaashto Dumarkooga Halla Adoonsado

Rasuulka CSW Waxaa Uu yiriSacadow Allihii Nafteyda gacantisa Ku jirta ayaan ku dhaartee Waxaad Ku Xukuntay Sidii rabbi Aniga i amray"

Sacad bin Mucaad , Waxaa Uu geeriyooday 5-Hijriyada Hal Bil Ka dib duullaankii Khandaq

Waxaa Uu geeriyooday Sacad isaga oo Caruur Ka qabo Labada Wiil ee Kala ah Camar iyo Abdullaahi ,Hooyadood Waxaa La Oran jiray Hinda Bint asmaak bin Cuteeyka bin imru`ul qeeys bin Cabdil Ash-hal

Muuqaal ahaan Sacad Waxaa Uu ahaa Nin Cad Oo dheer Suurad Wacan , Qurux badan Waji furan , indha Waasac ah gar qurxoon Oo Toosan Aan Ballaar neeyn.

《Geeridiisa Ka dib Maxaa dhacay》 .?????

Waxaa Lushtay Carshiga Raxmaanka

Meeydkiisa Waxaa dhinacKa Sogootisay 70 .000 Malaa`ig ah

Miski ayaa Ka Soo Carfay Makii qabriga La dhigaayay Dadka dhan Wada dareemen.

Waxaa Lagu Oofsaday isaga Oo 36sano jiro Markii Uu dhintay Sacad bin mucad Waxaa Samada Ka Soo dagay Malaga jibriil Nabiga ayuu Ku yiri" Kumuu ahaa Adoonka maanta dhintay Ee Saalixa ahaa.?

Waxaa Loo Wada furay Samaawaadka Oo dhan Waxaa Hal mar gariiray Carshiga Raxmaanka

Markii intaa Loo sheegay Nabiga Asxaabtii ayuu Ku Yiri" i nna Keena Waa Sacad Qofka dhintay????

jaabir bin cabdullaahi Allah Ka Ralli noqdee Waxaa Uu yiri : Waa Uu baxay Nabiga innagane Waan Raacnay Waa Uu Socod boobsii Sidaan Ugadaba Ordeynay Waxaa Naga Go`i rabay ilaashaka dacaska

Aad beey Asxaabta Ula yaabeen Socodka boobsiiska ah Markii La Weeydiiyay Waxaa Uu yiri " Waxaan Ka baqayaa in Malaa`igta iiga hormarto Ka dib Horteey dhaqdo Sideey hadda Ka hor Xandhala U dhaqeen'

Markaad Dhameyso Ku Salli Xabiibkena

Qofkii Hal Mar Ku Salliya Allah ayaa qofkaas Toban jeer Ku Sallinayo?

Haddaad uga baahato Faah faahin intaa Ka badan Saxaabigaa Qiimaha badan Ku Laabo

Kitaabka Uu iska leeyahay ibnu Kathiir Ee Al-bidaaya Wa Nihaaya.

Imaam dahabi Kitaabkiisa Siyar iclaam Nubalaa ibnul Arhiir Al-fiitaariikh.



Ustaad saciid cusmaan xassan.

Abdi Fitah Mohamed Aza

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...