Siyaasi Cabdirisaaq Khaliif Oo Baaq Nabadeed U Diray Beello Ku Diriray Deegaanka XUDDUN Ee SOOL

0
Saturday April 17, 2021 - 10:20:05 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1155
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Cabdirisaaq Khaliif Oo Baaq Nabadeed U Diray Beello Ku Diriray Deegaanka XUDDUN Ee SOOL

    Siyaasi Cabdirisaaq Khaliif Oo Baaq Nabadeed U Diray Beelaha Ku Diriray Deegaanka XUDDUN Ee SOOL

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Cabdirisaaq Khaliif Oo Baaq Nabadeed U Diray Beelaha Ku Diriray Deegaanka XUDDUN Ee SOOL



Hargeisa(HWN):-Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga WADDANI Cabdirisaaq Khaliif Ahmed oo hadda ah Murashax u tartamaaya doorashadda golaha Wakiillada, ayaa waxa uu ka hadlay xaaladda guud ee gobolka Sool.


Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif Ahmed waxa kale oo uu ka hadlay Dagaal dhex-maray laba beelood, kaasoo ka dhacay deegaanka Dhabar-dalool hoos-taga degmadda Xuddun ee gobolka Sool, waxaannu Baaq u diray labaddaas beelood ee dirirtu dhex-martay iyo guud ahaan Shacbiga Somaliland.


Sidoo kale, waxa uu Xukuumadda Muuse Biixi ku eeddeeyay inay ka gaabisay ka hor-tagga Dirirtaas dhexmartay labadda beelood ee wada dhashay, waxaannu sheegay inay masuuliyaddaas si wanaagsan u gutaan oo u kala gaadhaan beelahaas wada dhashay ee dagaalku dhex-marraayo.

"Dadkaas Walaalaha ah waxaan leeyahay Dagaalka joojiya, waxaynu ku jirnaa xilliyo kheyr leh, xilliyo barako leh, waxay ahayd inay wax is tarraan, is caawiyaan, isu naxariistaan oo ay kheyr iyo kalgacal ku soo jeeddaan, waxaan leeyahay waar dhibaatadda joojiya. Waxaan ugu baaqayaa bulshadda kale ee la dhalatay iyo inta kale ee deegaankaas ay ku wada nool yihiin ba waxaan leeyahay dadkaas gurmad ha lala gaadho oo hala dhex-galo oo Colaada la bakhtiiyo, macno badan samayn mayso haddii Saddex bilood la iska fadhiyo, iyaddoo si dhab ah halka wax ka yimaaddeen loo gaadhin."

Dadka dagaalamaaya ee dhalinyaradda waxaan leeyahay wax aad ka faa'iidaysaan ma jirto adduun iyo aakhiraba waad ku seeggaysaan, cidda idinku dhiiri-gelisaanna waxba idin tarri mayso ee khasaarihiinna ayay ka talinayaan. Dadka waayeelka ah, Garaadada, Culimadda, Waxgaradka iyo aqoonyahankabba waxaan ugu baaqayaa arrintaasi way soo noqnoqotay wax la isku hayo oo wayn oo maanta la sheegaana ma jiraan, waa talo xumo uun, markaa haloo gurmado dadkaas oo hawshoodda hala dhigo meel ku habboon." Ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga WADDANI
Loading...
Loading...