Ciidamada Soomaaliya oo kaalin ku yeelanaya Hoggaaminta Howlaha Amniga Iyo Heshiis La Kala Saxeexday Amisom

0
Saturday April 17, 2021 - 06:41:43 in News by
  • Visits: 923
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Soomaaliya oo kaalin ku yeelanaya Hoggaaminta Howlaha Amniga Iyo Heshiis La Kala Saxeexday Amisom

    Ciidamada Soomaaliya oo kaalin ku yeelanaya Hoggaaminta Howlaha Amniga Iyo Heshiis La Kala Saxeexday Amisom

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Soomaaliya oo kaalin ku yeelanaya Hoggaaminta Howlaha Amniga Iyo Heshiis La Kala Saxeexday Amisom

Muqdisho(HWN):-Kulan laba maalmood soconayay oo lagu qiimeynayay guulaha laga gaadhay amniga Soomaaliya ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.



Ciidamada AMISOM iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya (SNA) ayaa ku heshiiyay istiraatiijiyad ciidamada amniga Soomaaliya ay ku yeelan karaan door hoggaamineed howlaha amniga ee socda.


Ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya


Shirka waxaa ka soo qeyb galay wakiilo ka socday Dowlada Federaalka Soomaaliya (FGS), taliyayaasha ciidamada xooga dalka Soomaaliya (SNA) iyo kuwa AMISOM, iyo sidoo kale saraakiil ka socotay xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, kooxda UK Mission Support Team iyo dhowr ka mid ah la-hawlgalayaasha caalamiga ah ee Soomaaliya.


"Waxaan rabaa inaan muujiyo sida ay uga go’antahay dhamaan qorshayaashii aan ku heshiinay waxaanan caddeynayaa in ciidamada XDS ay ka go’an tahay inay fuliyaan qaybtooda sidii lagu heshiiyey, ”ayuu yidhi taliyaha Ciidamada Difaaca XDS, Jeneral Odawa Yuusuf Raage.


Bilaha soo socda Ciidamada AMISOM ayaa la filayaa in ay si tartiib tartiib ah ugu wareejiyaan mas’uuliyadda amniga ciidamada amniga ee Soomaaliya, waxaana tallaabadaan ay qeyb ka tahay qorsheynta isku dubaridka ka bixitaanka ciidamada Amisom Soomaaliya.


Loading...
Loading...