Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ruushka

0
Friday April 16, 2021 - 07:54:44 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1008
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ruushka

    Hargeisa(HWN):-Mareykanka ayaa ku dhawaaqay cunaqabateyn cusub oo ka dhan ah Ruushka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(HWN):-Mareykanka ayaa ku dhawaaqay cunaqabateyn cusub oo ka dhan ah Ruushka


Hargeisa(HWN):-Mareykanka ayaa ku dhawaaqay cunaqabateyn cusub oo ka dhan ah Ruushka isagoo ka jawaabaya waxa uu ku sheegay weerarrada dhanka internet-ka iyo falal kale oo cadowtinnimo ah.


Tallaabooyinkaas, oo saameynaya dhowr shirkadood oo Ruushka laga leeyahay iyo saraakiil, ayaa looga gol leeyahay in looga hortago "ficillada xun ee Ruushka", ayuu yiri Aqalka Cad.

Warbixinta Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in sirdoonka Ruushka uu ka dambeeyay dhacii sanadkii la soo dhaafay loo geystay "SolarWinds", waxayna Moscow ku eedeyneysaa faragelinta doorashadii sanadkii 2020.
US President Joe Biden speaks from the Treaty Room in the White House, in Washington, DC, USA, on 14 April 2021, about the withdrawal of the remainder of US troops from Afghanistan.

Ruushka ayaa beeniyay dhammaan eedeymaha wuxuuna sheegay inuu ka falcelin doono.

Cunaqabateyntan oo shalay lagu dhawaaqay ayaa ah kuwo faahfaahsan oo uu saxiixay Madaxweyne Joe Biden. Waxay ku soo aadayaan xilli adag oo uu meel xun marayo xiriirka labada dal.

Bishii la soo dhaafay Mareykanka ayaa bartilmaameedsaday toddoba sarkaal oo Ruushka u dhashay iyo tiro dhowr ah oo hay'adaha dowladda ah sababo la xiriira sumeyntii Alexei Navalny oo ah nin mucaarad ku ah xukuumadda Kremlin. Ruushka ayaase sheegay inuusan ku lug lahayn.

Wada hadal uu Talaadadii qadka telefoonka kula yeeshay Madaxweyne Vladimir Putin, ayuu Mr Biden wacad ku maray inuu "si adag" u difaaci doono danaha qaranka Mareykanka, isagoo soo jeediyay kulan lala yeesho Mr Putin si ay labada dal iskala shaqeeyaan meelaha ay isku mari la'yihiin.

Muxuu maamulka Biden yiri?

Khamiistii, Mr Biden ayaa go'aankiisa uu cunaqabateynta ugu soo rogay Ruushka ku qeexay inuu yahay "mid aan dhammeystirneyn".

"Waan u caddeeyay Mr Putin inaan sameyn karnay wax intaas ka badan, balse waxaan door biday inaan sameyn," ayuu Mr Biden u sheegay weriyeyaasha. "Mareykanku ma doonayo inuu bilaabo mowjad dagaal oo lala galo Ruushka."

Wuxuu intaas ku daray in sida hore loogu socon karo ay tahay "wada xaajood laga fekeray iyo hannaan diblomaasiyadeed".

Warbixinta ka soo baxday Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in cunaqabateynta cusub ay muujineyso in Mareykanka "uu Ruushka saari doono cunaqabateyn istaraatiiji ahaan iyo dhaqaale ahaanba saameyn ku yeelan karta" haddii uu sii wado "carqaladeynta howlaha caalamiga ah".

Waxaa lagu caddeeyay aragtida maamulka Biden uu ka qabo in dowladda Ruushka ay ka dambeyso weerarradii internet-ka ayna isku dayeysay "carqaladeynta in doorasho xor iyo caddaalad ah" ay ka dhacdo gudaha Mareykanka iyo dalalka xulafadiisa ah.

Waxay si gaar ah ugu eedeyneysaa waaxda sirdoonka Ruushka, SVR, weerarkii SolarWinds, kaas oo dembiilayaasha internet-ka u fududeeyay inay gudaha u galaan ilaa 18,000 kumbiyuutarro isugu jira kuwo ay dowladdu leedahay iyo kuwo si gaar ah loo leeyahay.

Bishii December ee la soo dhaafay, Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in Ruushku ka dambeeyo.

Cunabaqateynnadan ugu dambeeya ayaa beegsanaya 32 hay'adaha dowladda ah iyo saraakiil lagu eedeeyay inay isku dayayeen faragelinta doorashadii madaxtinnimo ee Mareykanka.

Sidee ayay xukuumadda Moscow uga falcelisay?

Waxyar kaddib markii cunaqabateynta lagu dhawaaqay, wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa ugu yeertay "tallaabooyin cadowtinnimo ah oo sare u qaadi kara xiisadda".

"Amarkaas cadowtinnimada leh wuuxu dabcan heli doonaa jawaab ku habboon," ayaa lagu yiri warbixinta wasaaradda.

Danjiraha Mareykanka ayaa looga yeeray xarunta wasaaradda arrimaha dibadda. Midowga Yurub, Nato iyo UK ayaa dhammaantood soo saaray warbixinno ay ku taageerayaan tallaabooyinka Mareykanka.

Loading...
Loading...