Xiisad Colaadeed Oo Markale Ka Bilaabantay Deegaan Ka Tirsan Gobolka SOOL

0
Thursday April 15, 2021 - 19:38:10 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3142
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiisad Colaadeed Oo Markale Ka Bilaabantay Deegaan Ka Tirsan Gobolka SOOL

    "Saaka ayaan warkan maqalay in ceelka laysku rasaaseeyey"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Saaka ayaan warkan maqalay in ceelka laysku rasaaseeyey"

Hargaysa (HWN)-Shan qof ayaa ku dhaawacmay xiisad colaadeed oo ka dhalatay ceelka Dhabar-dalool ee tuulada Holhol ee ka tirsan Gobolka Sool ee Somaliland, kaas oo dhawrjeer oo hore murankiisa la xaliyay.


"Saaka ayaan warkan maqalay in ceelka laysku rasaaseeyey, waan tagnay waxaana ilaa hada wadnaa sidii aan colaada u hakin lahayn” sidaa waxa noo sheegay mid ka mid ah duqeyda degaanka Holhol ee gobolka Sool




Qaar ka mid ah labada dhinac ee beelaha muranku sababay dhibaatada ayaa waxa ay eedaynta dusha ka saarayaan ta kale in ay bilawday, waxaana jira xeer aad u adag oo arrimaha noocan ah labada beelood ugu heshiiyeen kaas oo lagu magcaabo xeerkii Adhi-cadeeye sida ay odayaal dhowr ahi ii xaqiijiyeen.


Dadka dhaawaca ah ayaa la sheegayaa in laba ka mid ah ay ku dhaawacmeen delleedka Laascaanood kadib markii dabley jidka u gashay oo rasaas huwiyeen iyagoo ku sii jeeda dhinaca goobta wax ka dheceen.


Dadkii dhaawucu soo gaadhey ayaa lagu dabiibayaa Laascaanood iyo Xuddun, waxaana la sheegayaa in badankooda dhaawacoodu aanu aad u cuslayn in kasta oo la sheegayo qaar liita.


Colaadahan ayay intii ay jirtay xukuumada Muuse Biixi noqday kuwa aan dawo loo helin oo soo noqnoqday mudooyin kale duwan, kuwaasi oo sababay khasaare nafeed iyo mid duunyaba.

Loading...
Loading...