Erdogan Oo Ka Jawaabay Hadalkii Ka Careysiiyay Ee Ra'iisul Wasaaraha Talyaaniga

0
Thursday April 15, 2021 - 17:47:36 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1495
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Erdogan Oo Ka Jawaabay Hadalkii Ka Careysiiyay Ee Ra'iisul Wasaaraha Talyaaniga

    "Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan wuxuu sugay hal isbuuc si uu Mario Draghi u siiyo waqti"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan wuxuu sugay hal isbuuc si uu Mario Draghi u siiyo waqti"

Kaddib markii Ra'iisul Wasaaraha Talyaaniga Mario Draghi uu isbuucii lasoo dhaafay madaxweynaha Turkiga ku tilmaamay "kali taliye" ugu dambeyn waxaa jawaab bixiyay Erdogan oo Mr Draghi ku eedeeyay inuu yahay nin "aan taxaddar lahayn".




Hadalka Erdogan ayaa si weyn ugu dhex faafay dadka Talyaaniga, waxaana uu qabsaday hadal-heynta guud ahaan shacabka.


BBC-da laanteeda luqadda Turkiga ayaa xafiiska warbaahinta ee Ra'iisul Wasaaraha Talyaaniga weydiisay inay soo saarayaan bayaan ku saabsan eedeymaha lagu faafiyay warbaahinta Turkiga iyo waliba jawaabta uu bixiyay Erdogan. Hase yeeshee mas'uul ka tirsan dowladda Talyaaniga ayaa sheegay in aysan arrintan wax war ah ka bixineynin.


Qaar ka mid ah wargeysyada kasoo baxa Talyaaniga ayaa qoray in xiisaddan socotay isbuuca la isku dayay in lagu xalliyo qaab diblomaasiyadeed, laakiin Ra'iisul Wasaare Draghi uu diiday soo jeedin looga codsaday "inuu wax saxo".


Maanta waxaa jaraa'idka Talyaaniga lagu soo daabaxay maqaallo lagu faalleynayo Jawaabta uu Erdogan siiyay Draghi iyo wararka ku saabsan waxa ka dhex socda labada waddan muddo hal isbuuc gudihiis ah.


Hadalka shalay oo Arbaco ahayd kasoo baxay madaxweynaha Turkiga ayay warbaahinta Talyaaniga qaarkood ciwaan uga dhigeen "Weerar ka yimid dhinaca Erdogan: xushmad darrada Draghi".


Waxaa kale oo aad loo hadal hayay sida ay xukuumadda Rome uga aamustay arrimahan tan iyo markii uu Ra'iisul Wasaare Draghi shaaciyay erayga "kali taliye" oo uu ku sheegay Erdogan xilli uu Khamiistii hore qabtay shir jaraa'id.


Sida ay warbaahinta Talyaanigu qorayaan, diblomaasiyiinta waddankaas ayaa isbuucan oo dhan ku dadaalayay inay dib u hagaajiyaan xiriirka labada waddan inkastoo Draghi uu ka biyo diiday talooyinkii loo jeediyay si xasaradda loo dajiyo.


Wargeyska lagu magacaabo La Stampa ayaa bogiisa hore ku qoray: "Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan wuxuu sugay hal isbuuc si uu Mario Draghi u siiyo waqti uu ku bixiyo raalligalin, ama xitaa in uu wax saxo."


Wuxuu wargeysku intaas ku daray in "Dragi wuu iska aamusay, wuxuuna ceebeeyay diblomaasiyiinta Talyaaniga" kaddibna Erdogan uu jawaabay markii uu waayay cid raaligalin bixisa ama hadalkii dib u saxda.


Waxaa la sheegay in Safiirkii hore ee Talyaaniga u fadhiyay Ankara, Luigi Mattiolo uu u sheegay RW Draghi in uusan kali taliye ku tilmaami karin Erdigan loona baahan yahay inuu si uun ku xalliyo arrintan


Warar kale oo ay isla dhex marayeen qaar ka mid ah warbaahinta ayaa sheegayay in Turkiga uu joojiyay qandaraas uu diyaaradaha qumaatiga u kaca uga iibin rabay Talyaaniga kaddib markii ay xiisaddan billaabatay. Mashruucan ayaa la sheegay in ay ku baxeyso lacag dhan $83 milyan oo doolar, sida laga soo xigtay warbaahinta Middle East Monitor.


Hoggaamiyeyaasha siyaasadda Talyaaniga oo taageeray Ra'iisul Wasaare Mario Draghi.

Inkastoo aysan jirin wax jawaab ah oo uu Mario Draghi ka bixiyay hadalka Erdogan, haddana madaxda xisbigiisa ayaa garab istaag u muujiyay Ra'iisul Wasaaraha.


Matteo Salvani oo ah hoggaamiyaha xisbiga Lega Nord ee qeybta ah isbahaysiga talada haya ayaa ayaa yidhi: "Maanta waxaan la jiraa Draghi, dimuqraaddiyadda, xornimada iyo reer galbeedka, waxaana u taageerayaa si aanan waligay hore u taageerin."


Hoggaamiyaha xisbiga Garabka Bidix ee Talyaaniga, Nicola Fratoianni ayaa sidoo kale yidhi: "Runtii waa wax lagu qoslo in Mr Erdogan, oo xiray xildhibaannada mucaaradka ku ah oo duqeymo u geystay xaafadaha Kurdiyiinta uu hadda doonayo inuu Ra'iisul Wasaaraha Talyaaniga siiyo cashir dhinaca akjlaaqda ah."


BBC

Loading...
Loading...