Jadwalka khayrka Ramadaanta. Q/2aad.

0
Thursday April 15, 2021 - 11:15:20 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 710
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jadwalka khayrka Ramadaanta. Q/2aad.

    Eray Tabintii, Axmed Cali Kaahin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Eray Tabintii, Axmed Cali Kaahin


Waxay inoo joogtay labbada wakhti ee Subaxa ka hor iyo kadib camalada la qabanaayo qaybtii koobaad maanta qaybtii 2aad.



DUHURKA الظهر


1. Aadaanka masaajidka tag intaan salaada la galin, wakhtigaasi waa wakhtiyada ducada la aqbalo, ducayso oo tuko 2 rakcadood ee ka horeeya 4 kadambeeya salaada duhurk . قالابنمسعودرضياللهعنه: ( إنرسولاللهعلمناسننالهدىوإنمنسننالهدىالصلاةفيالمسجدالذييؤذنفيه) رواهمسلم


2. Jidhkaagu xaqbuu kugu leeyahay, nasasho qaado. وإنلبدنكعليكحقاً

CASARKA عصر


1. Aan ku dadaalno in masaajidka hore u tagno, sunayaashana tukano. قالالنبيصلىاللهعليهوسلم: ( رحماللهامرءاًصلىقبلالعصرأربعاً) رواهأبوداودوالترمذي


2. Dhagayso wacdi, haddii Masaajidka ka socod, ajar wayn baan ku kujira. : قال النبيصلىاللهعليهوسلم( منغداإلىالمسجدلايريدإلاأنيتعلمخيراًأويعلمهالناسكانلهكأجرحاجتاماًحجته) رواهالطبران


3. In aan fadhiga masaajidka, barano khayr badan baa ku jira. : قال النبيصلىاللهعليهوسلم( منغداإلىالمسجدلايريدإلاأنيتعلمخيراًأويعلمهالناسكانلهكأجرحاجتاماًحجته) رواهالطبران


4. In aad wayso qaadato, masajidkana tagtaa, waa booqde Rabbi martidana xaqeedu waa in la karaameeyaa. : قالالنبيصلىاللهعليهوسلم( منتوضأفيبيتهفأحسنالوضوءثمأتىالمسجدفهوزائراللهوحقعلىالموزرأنيكرمالزائر) رواهالطبرانيبإسنادجيد.


MAQRIB مغرب


· Ku dadaalid ducada, marka cadceedu dhacdo. قالالنبيصلىاللهعليهوسلم(ثلاثةلاترددعوتهموذكرمنهمالصائمحتىيفطر) أخرجهالترمذي


· Afur, cunid adoo ducaysana. Lehna ducadan. ذهب الظمأوابتلتالعروقوثبتالأجرإنشاءاللهتعالى) رواهأبوداود.


· In cid kula afurtaa musliminta baahaan waa ajar iyo fursad qaaliya


· Salaada jamacada hore u gaadh


· Masaajidka fadhiiso, akhriso adkaarta habeenkii waxaana laga helikaraa kitaabka Xisnul muslim aad soo dajisan karto ama iibsan karto adkaar badan oo dhaxal gala dhex ceegaagta kitaabkaasi.


· Kulan waxbarasho u qabo xaafada, waa barakee. ( وإن لزوجكعليكحقا


· U diraar garaw salaada Cishaa’i iyo taraawiixda, iyo cunto fudud


CISHAA’IGA العشاء


1. Salaad cishaa’i jamaca gaadh , iyo safka hore


2. La dhamayso taraawiixda imaamka ajarwayn baa la dhamasiga ku soo arooray. قال النبيصلىاللهعليهوسلم( منقامرمضانإيماناًواحتساباًغفرلهماتقدممنذنبه) رواهالبخاريومسلم


3. Dib baad u dhigan kartaa Witriga ilaa habeenka xagiisa dambe haddaad karayso. قالالنبيصلىاللهعليهوسلم( اجعلواآخرصلاتكمبالليلوتراً) متفقعليه


BARNAAMIJ FURANبرنامجمفتوح

· Booqashada qaraabada gaar ahan waalidiinta, iyo asxaabta, jaarka, falgalinta wacyigalin diiniya, iyo adeeg bulsheed, cilmi korodhsi


· Axkaam. Adaab, iyo habdhaqan, cashar xaafada, laylin naftaada ah, ka qayb gal arrimaha xaafada ee gargaarka bulshada. Naxariis iyo amaani Nabigeenii dushiisa ha ahaato.

Idamka Allaah waxa xigi doona qaybtii 3aad.


Eray Tabintii Axmed Cali Kaahin. Xigassho المـصـدر: صـيدالفـوائـد

HA HILMAAMIN XUSKA RABI.


[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...