Ma Ogtahay in ay Waajib kugu Tahay Haddii Lagu Weeydiiyo Todobadan Su`aalood inaad Kaga Jawaabi Karto Si Cilmiyeeysan.?

0
Thursday April 15, 2021 - 10:40:19 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1688
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Ogtahay in ay Waajib kugu Tahay Haddii Lagu Weeydiiyo Todobadan Su`aalood inaad Kaga Jawaabi Karto Si Cilmiyeeysan.?

    Jamaacadaas Ugu dambeeyn Rabbigood ayaa U Ogolaanayo in ay jannada u galaan Naxariistiisa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jamaacadaas Ugu dambeeyn Rabbigood ayaa U Ogolaanayo in ay jannada u galaan Naxariistiisa



Hadaba Waa Kuwee Su`aalaha Todobada ah Ee La Sheegayo.?

Q: 1 " Su`aasha Kowaad : Waa Maxay Acraaf.?

Ans: 1: Acraaf Waa Goob U dhaxeeyso Naarta iyo Janada Waxaa Lagu magacaabaa " Al-Acraaf"

Waa darbi Aad U Weeyn joog dheer leh

Asxaabta dushiisa Saaran ay Ka daawanayaan Ehlu-janaha iyo Nimcooyiinka ay dhax dabaalanayaan iyo Kuwa Ehlu-Naarka iyo Cuquubada Haysata

Jamaacadaas Ugu dambeeyn Rabbigood ayaa U Ogolaanayo in ay jannada Ku galaan Naxariistiisa

Culumada islaamka Waa ay isku khilaafeen Qoloda Meesha saaran yeey yihiin Lkn Sida Raajaxa ah Waa Qoom isla ekaadeen Xumaantoodii iyo Samantoodii .

Q: 2 " Su`aasha Labaad: Halkee Kaa jirtaa jannada.?

Ans: 2" Jannadu Waxeey Ku taallaa Todoba Samo Ka kore Marka Uu Allah Duubayo Samooyiinka iyo dhulalka todobada ah Sida Warqado camal Jannada ayada Waa Hareysaa

Ma Ku jirto Waxa La laabayo Mana dhamaaneyso mana Zuuleyso Saqafkeeda Korane Waa Carshiga Raxmaanka jalla wacala

Q: 3" Su`aasha Sadaxaad: Halkee Naarta Kaa Jirtaa.?

Ans: 3" Naartu Waxeey Ku taalla goob Ka hooseyso todobada Dhul Waxaa Lagu Magacaabaa goobtaas ، سجين"Sijiin

Allah Waxaa Uu Nooga Waramay in Uu abuuray todobo samo iyo todobo dhulal Oo la mid ah

{ اللَّهُ الَّذِي خَلَقَ سَبْعَ سَمَاوَاتٍ وَمِنَ الْأَرْضِ مِثْلَهُنَّ }:

Sijiin " : Waa Meesha dhulalka Ugu hooseyso ayeey Ka sii hooseysaa.

Xadiithkan ayaa Daliil U ah Oo Laga Wariyay Ibnu Mascuud Allah Ka ralli Noqdo

عن ابن مسعود قال : " الْجَنَّةُ فِي السَّمَاء

السَّابِعَةِ الْعُلْيَا، وَالنَّارُ فِي الْأَرْضِ السَّابِعَةِ السُّفْلَى"

"Ka dib Waxaa Uu aqriyay Aayadaan

" إِنَّ كِتَابَ الْأَبْرَارِ لَفِي عِلِّيِّينَ) المطففين" ، إِنَّ كِتَابَ الْفُجَّارِ لَفِي سِجِّينٍ" المطففين"

Q: 4 " Su'aasha Afaraad: Qiyaasta Halka Maalin Ee Qiyaame immisa ayeey La Egtahay.?

Ans: 4" Qiyaasta Halkii Maalin Ee Qiyaamaha Waxeey la egtahay 50.000 Sanadod Allah Mar Uu Ka Waramayay Waxaa Uu yiri"

. قال تعالى : { تَعْرُجُ الْمَلَائِكَةُ وَالرُّوحُ إِلَيْهِ فِي يَوْمٍ كَانَ مِقْدَارُهُ خَمْسِينَ أَلْفَ سَنَةٍ } .

Abdullahi ,Ibnu Cabaas:Allah Ka ralli Noqdee Waxaa laga Wariyay in Uu yiri " Maalinta Qiyaame Waxaa La istagayaa Konton Gobood Halkii Goobne Waxaa la taagnanaa Konton Kun Oo sanadod " .Cajiib !!

Q: 5" Su'aasha Shanaad:Maxaa Laga Wadaa Sidratul-muntahaa .?

Ans: 5 " Sidratul-Muntahaa Waa Geed Aad u Weyn Oo Caleemankiisa iyo Xididisa Ku yaalllaan Samada todobaad Caleemankeeda Waa Sida dhagaha Xayawanka Marodiga

Goob dhinaceeda ah ayuu Rasuulka csw Waxa Uu Ku arkay Sayid jabriil Suuradisa Xaqiiqda aheeyd Markii labaad Markii Kowaad Waxeey aheyd Magaalada Mar Uu Ku Arkay makka-Almukarama Buurta" ajyaad, dhinaceeda

Q: 6" Su'aasha Lixaad : Maxeey yihiin gabdhaha Ku dhex Nool janada Ee lagu magacaabo" Xuurul-Ciin".?

Ans: 6" Waa Xaasaska Ragga Mu'mininta ah Marka ay janada galaan Jinni iyo insi toona Korkooda ma taaban , Malaa'igne ma ahan

Allaah ayaa Jannada Ku dhex Abuuray Mid gabdhahaas ka mid ah Haddii ay Aduunka soo Eegto Qorraxda iftiinkeda ayada ayaa qarin laheed.

Q: 7" Su'aasha Todobaad: Waa Kuma Wiilasha jannada lagu waariyay.?

Ans: 7 " Waa Wiilal dhalanyar Oo adeegayaal U ah Ehlu-janaha insi iyo jinni Midna Ma ahan Xitaa malaa'ig ma ahan Alla ayaa Abuuray siduu abuuray Oo kale Xuurul-ciinta gabdhaha.

Wiilashaa Allah marka Uu Kawaramayay Quruxdooda Waxaa Uu Ku Miithaalay Lu'Lu' Waxaa Uuna yiri" :

(ويطوف عليهم ولدان مخلدون إذا رأيتهم حسبتهم لؤلؤا منثورا} :

Haddaad Ka Mid Noqotay dadka in ay aqristaan Nasibka U yeeshay Qoraalkan Waxaad soo qortaa Magac Ka mid ah magacyada 99ka Ee Uu rabigeen Weyne leeyahy الرحمن " الرحيم ا

Ama Nabiga Ku Salli scw Ducadana Raaci.scw scw scw scw scw scw????????.



Ustaad saciid cusmaan

Abdi Fitah Mohamed Aza

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...