Xukuumadda Muuse Biixi Oo Ka Walaacsan Xaaladda Soomaaliya!

0
Wednesday April 14, 2021 - 22:48:44 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1554
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Muuse Biixi Oo Ka Walaacsan Xaaladda Soomaaliya!

    Hargeisa(HWN):-Xukumadda Somaliland ayaa warsaxaafadeed ay ka soo saartay xiisadda siyaasadeed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(HWN):-Xukumadda Somaliland ayaa warsaxaafadeed ay ka soo saartay xiisadda siyaasadeed

Hargeisa(HWN):-Xukumadda Somaliland ayaa warsaxaafadeed ay ka soo saartay xiisadda siyaasadeed ee ka taaggan Soomaaliya ku sheegtay in ay wer-wer weyn ka qabto dagaal sokeeye oo Soomaaliya ka dhaca iyo xasillooni darro saamayn ku yeelata Gobolka oo ka dhalata go’aanka Muddo kordhinta iyo hoggaaminta Madaxweyne Farmaajo ee xaaladda hadda taaggan.



Muuse Biixi waxa uu Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay Kalitalisnimo iyo inaanu dhawrayn Xuquuqda aaddamaha, balse Muuse Biixi ismuu waydiin inuu isagu ilaaliyo Xuquuqda shacabka masaakiinta ee uu si kasta u dhibaateeyay, isla markaanna ku tuntay Xuquuqdoodii aasaasiga ahayd, iyaddoo la ogyahay innuu ka buuxiyay Xabsiyadda dalka.

Soomaalidaa odhan jirtay tiisaba daryeellaa tu kalenna ku dara, horta Muuse Biixi inta aannu ka hadalka Xuquuqda Shacabka Muqdisho, isagu waa Muuse Biixiye ma ilaaliyaa Xuquuqda shacabka reer Somaliland, waxa hubbaal ah in Somaliland ay hoy u noqotay dulmiga, caddaalad-darada iyo Xadhiga sharci-daradda ah.

Waxa kale oo ay Somaliland Qaramada Midoobay ku ammaantay in Soomaaliya lagu ilaaliyo cunaqabataynta hubka, sidoo kalena Beesha Caalamku si dhaw ula socoto in hub ama saanad Ciiddan u korodho Soomaaliya wakhtigan.


Loading...
Loading...