Sideen U Qaabilnaa Ramadaanta, Bishii Khayrka Iyo Quraanka.

0
Tuesday May 07, 2019 - 10:11:34 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1323
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sideen U Qaabilnaa Ramadaanta, Bishii Khayrka Iyo Quraanka.

    كيف نستقبله رمضان .شهر الخير القرآن Sideen U Qaabilnaa Ramadaan, Bishii Khayrka Iyo Quraanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

كيف نستقبله رمضان .شهر الخير القرآن Sideen U Qaabilnaa Ramadaan, Bishii Khayrka Iyo Quraanka. Eray tabintii, iyo habayntii. Axmed Cali Kaahin.

Adoonka wanaagsani wuxuu ku qaabilaa, toobad saafiya, go’aan adag, ka gacan qabsashada khayrka, iyo ku camirid camalo suuban, Allaale baan ka tuugaynaa in cibaado suuban inagu gargaaro. Waxaan halkan kusoo gudbindoonaa, barnaamij rag iyo dumara, oo bisha Ramadaana. Aan isku dayno in aan ka faaiidaysano, saacad kasta oo saacadaha ramadaanta ah, wixii faaiido iyo intifaaca aakhiro iyo aduun inoo leh



BARNAAMIJKA

RAGA.

SUBAXA KA HOR.قبل الفجر

·Salaada Tahajudka ku dadaal , adoo mid gaara samaysanaaya habeenkii guriga التهجد قال تعالى ( أمن هو قانت آناء الليل ساجداً وقائماً يحذرُ الآخرة ويرجو رحمة ربه ) الزمر : 39

·Suxuurtu waxa ku jira barako badan ku dadaal.السحور : قال النبي صلى الله عليه وسلم ( تسحروا فإن في السحور بركة ) متفق عليه .

·Wakhtigaa suxuurtu waa wakhti dahabiya oo Allaah scw. Dambi dhaaf la waydiisto. الاستغفار إلى أذان الفجر قال تعالى ( وبالأسحار هم يستغفرون ) الذاريات : 18

·Tuko labada rakcadood ee ka horeeya Salaada subax, waxay ka qiimo badan yihiin aduunyad iyo waxa dhexyaala. السحور : قال النبي صلى الله عليه وسلم ( تسحروا فإن في السحور بركة ) متفق عليه

WAABARIGA KA DIB. بعد طلوع الفجر

1.U kalah salaada subax. قال النبي صلى الله عليه وسلم ( ولو يعلمون ما في العتمة والصبح لأتوهما ولو حبواً ) متفق عليه .

2.Ku mashquulida dikriga, ducada ilaa la aqiimaya. قال النبي صلى الله عليه وسلم ( الدعاء لا يرد بين الأذان والإقامة ) رواه أحمد والترمذي وأبو داو

3.Masaajidka oo la fadhiyo,quraan akhrin iyo dikri. فقد كان النبي صلى الله عليه وسلم إذا صلى الفجر تربع في مجلسه حتى تطلع الشمس . رواه مسلم

4.Masaajid Quraan, iyo Dikri, lana fadhiyo ilaa cadceedu soo baxayso.

5.Laba rakcadodna la tuko marka cadceedu soo baxdo, قال النبي صلى الله عليه وسلم ( من صلى الفجر في جماعة ثم قعد يذكر الله حتى تطلع الشمس ثم صلى ركعتين كانت له كأجر حجة وعمرة تامة تامة تامة ) رواه الترمذي

6.In aad ku ducaysato in rabbi kuu barakeeyo maalinta ducadana tidhaah. : قال النبي صلى الله عليه وسلم ( اللهم إني أسألك خير ما في هذا اليوم فتحه ونصره ونوره وبركته وهداه وأعوذ بك من شر ما فيه وشر ما بعده ) رواه أبو داود

7.In aad hurdo nasasho ah qaadato, adoo iyada lafteeda ku ajar dalbaayo mucaad R/c waxa uu yidhi waan xisaabsadaa hurdadad sida camalkayga oo kale, si firfirconi cibadada ugu hesho. : قال معاذ رضي الله عنه إني لأحتسب نومتي كما احتسب قومتي

8.In aad shaqo tagto majiro arsaaq ka khayr badan ta la xoogsadaa. قال النبي صلى الله عليه وسلم ( ما أكل أحد طعاماً خيراً من أن يأكل من عمل يده وإن نبي الله داود كان يأكل من عمل يده ) رواه البخاري

9.In wakhtiga firaaqadada oo dhan, dikrigu carabkaag ka qalalin, ahlu januhu waxay ka xumaadaan in saacad soo martay aanay Rabbi swt xusin. قال النبي صلى الله عليه وسلم ( ليس يتحسر أهل الجنة إلا على ساعة مرت بهم ولم يذكروا الله تعالى فيها ) رواه الطبراني

10.Sadaqada si aad ducada Malaga, u hesho ee yidhaa, Allaw sii ka bixiya. دعاء الملك : اللهم أعط منفقاً خلفاً

DUHURKA
الظهر

11.Aadaanka masaajidka tag, wakhtigaasina ducadaa la aqbalaaye ducayso oo tuko 2 rakcadood ee ka horeeya 4 kadambeeya salaada duhurk . قال ابن مسعود رضي الله عنه : ( إن رسول الله علمنا سنن الهدى وإن من سنن الهدى الصلاة في المسجد الذي يؤذن فيه ) رواه مسلم

 

12.Jidhkaagu xaqbuu kugu leeyahay, nasasho qaado. وإن لبدنك عليك حقاً

CASARKA لعصرا

·ku dadaalno in masaajidka hore u tagno, sunayaashana tukano. قال النبي صلى الله عليه وسلم : ( رحم الله امرءاً صلى قبل العصر أربعاً ) رواه أبو داود والترمذي

·Dhagayso wacdi, haddii Masaajidka ka socod, ajar wayn baan ku kujira. : قال النبي صلى الله عليه وسلم ( من غدا إلى المسجد لا يريد إلا أن يتعلم خيراً أو يعلمه الناس كان له كأجر حاج تاماً حجته ) رواه الطبران

·In aan fadhiga masaajidka, barano khayr badan baa ku jira. : قال النبي صلى الله عليه وسلم ( من غدا إلى المسجد لا يريد إلا أن يتعلم خيراً أو يعلمه الناس كان له كأجر حاج تاماً حجته ) رواه الطبران

·In aad wayso qaadato, masajidkana tagtaa, waa booqde rabbi, martidana xaqeedu waa in la karaameeyaa. : قال النبي صلى الله عليه وسلم ( من توضأ في بيته فأحسن الوضوء ثم أتى المسجد فهو زائر الله وحق على الموزر أن يكرم الزائر ) رواه الطبراني بإسناد جيد.

 

MAQRIB المغرب

1.Ku dadaalid ducada, marka cadceedu dhacdo. قال النبي صلى الله عليه وسلم (ثلاثة لا ترد دعوتهم وذكر منهم الصائم حتى يفطر ) أخرجه الترمذي

2.Afur, cunid adoo ducaysana. Lehna ducadan. ذهب الظمأ وابتلت العروق وثبت الأجر إن شاء الله تعالى ) رواه أبو داود .

3.In cid kula afurtaa musliminta baahaan waa ajar iyo fursad qaaliya

4.Salaada jamacada hore u gaadh

5.Masaajidka fadhiiso, akhriso adkaarta habeenkii waxaa laga helikaraa Xisnul muslim aad soo dajisan karto adkaar badan.

6.Kulan waxbarasho u qabo xaafada, waa barakee. ( وإن لزوجك عليك حقا

7.U diraar garaw salaada Cishaai iyo taraawiixda, iyo cunto fudud

CISHAA’IGA العشاء

·Salaad cishaa jamaca gaadh , iyo safka hore

·La dhamaso taraawiixda imaamka ajarwaynaa la dhamasiga ku soo arooray. قال النبي صلى الله عليه وسلم ( من قام رمضان إيماناً واحتساباً غفر له ما تقدم من ذنبه ) رواه البخاري ومسلم

·Dib baad u dhigan kartaa Witriga ilaa habeenka xagiisa dambe haddaad karayso. قال النبي صلى الله عليه وسلم ( اجعلوا آخر صلاتكم بالليل وتراً ) متفق عليه

BARNAAMIJ FURANبرنامج مفتوح

v Booqashada qaraabada gaar ahan waalidiinta, iyo asxaabta, jaarka, falgalinta wacyigalin diiniya, iyo adeeg bulsheed, cilmi korodhsi

vAxkaam. Adaab, iyo habdhaqan, cashar xaafada, laylin naftaada ah, ka qayb gal arrimaha xaafada ee gargaarga bulshada. Naxariis iyo amaani Nabigeenii dushiisa ha ahaato.


Qayb’talabaad (البرنامج اليومي للفتاة المسلمة)

BARNAAMIJKA GABADHA MUSLIMADA AH, EE MAALINLAHA RAMADAANTA.

Dumar badan, khayrkani waxa uu ku dhaafaa, shaqooyinka guriga iyo caruurta ama waxyaabo kale. Waxa haboon qodobadan soo socda in laga faaiidaysto.

1.In wakhtiga suxuurta, marka la suxuurta, Duco iyo dikhri lagu camiro, salaadana laga seexan.

2.In salaada subax loo diyaar garoobo, Aadaanka la sugo, kadibna labada sunee ajarka wayn leh la tukado.

3.In salaada ka dib Adkaarta la akhristo

4.In aad fadhido halkaad ku tukato ilaa cadceedu, soo baxayso, adoo quraanka malintii kuu qorshaysan akhrinaya, intaad ka gaadho, kadib Adkaartii subaxa akhrido.

5.In aad qaadato nasasho, iyo hurdo yar, hadaan shaqo jirin, ka dibna Salaatu Duxaa tukato.

6.In aad samaysato, qorshe Quraan, habeenka iyo maalinta, waayo waa bishii quraanka, soona dagay, ugu yaraan hal mar dhamee

7.Aadanka markaad maqasho ka daba dheh, hana hilmaamin Adkaarta Salaada ka dib.

8.U istaagida adeega guriga, sida diyaarinta cuntada iyo diyaarinta waxa xaafadu u baahan tahay, iyadoon lagu xeeldheeraanayn, israafna ahayn.

9.Wakhti khaasa oo ducada iyo Adkaarta habeenkii samayso, Maqrika kadib waa wakhti ijaabee.

10. Haddii aadaanka maqrib dhaco, ku dagdaga afrurka.

11. U diyaar garaw salaada cishaa’i iyo taraawiixda iyadoo arrimahan la ilaalinaayo

·Iyadoo sunuhu yahay in sida fadli badan guryahooda ku tukadaan, hadana Nanigu Scw waxa uu yidhi ha udiidin adoomaha rabbi masaajidada, waxaana marka ay yimaadaan, in aanay cadar soo marsan, asturaad dhamaystirana soo qaataan, in aanay is dhexqaadin raga iyo dumarku marka salaadu dhamaato.

 

12. Ku dadaal in aanad soojeedin habeenkii, taasi oo dhaqan u noqotay dhalinyaro badan keentana, in maalintii la hurdo habeenkiina lagu soo jeedo, aflaan iyo waxa aan dhaamin. Bishani waa sida kaalin shidaal oo sanadkii ina soo markta oo la doonayo in aad si caqli iyo xikmadleh uga dhiishaan dhaansano.

Xigasho: dagalka Saed.com la macnaha ah ka ugaadhso khayrka.

المـصـدر : صـيد الفـوائـد

Allaa mahadleh wixii khalad ee ku jira, qoraalka iyo macnaha ama sixada xadiisyada sixidoodu waa hawl inoo wadda taal. Mahadsanidiin.

Allaa Mahadleh

 

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...