Muuse Biixi Iyo Talada Dalka Bari dib u Dhacay iyo Galbeed LooHiiliyay (Qaybtii 69aad) Qore : Maxamed Xoosh
Shaki kama taagna in Bari iyo Galbeed Somaliland kala hormarsan
yihiin
dadkooduna kala ilbaxsan yahay Sababo iyo duruufo kala duwan oo keenay
awgeed
Waxaan
Xusuustaa Gudoomiyaha Guurtida Saleebaan Gaal wuxuu ku tiraabay
khudbadiisii ugu horeysay markuu xilka kula wareegay "Bari iyo Galbeed
Wey Kala Horeeyaan Wuxuu ku daray BOORAMANA sanadkii 7aad ayaa jaamacado
laga baxayaa BARINA magaalooyin waaweyn ayaan DUGSIYO hoose lahayn ,
Waxaan Isku Dayi Doonaa inaan isa soo gaadhsiino”
Dadku
horumarka waxay u haystaan dhaqaalaha oo keliya balse mar ayay
Dawladnimadu u kala hiilisaa deegaanada iyadoo marka horeba tuhun jiray
IN BERBERA-HARGEYSA-GEBILAY-BORAM
A ka hormarsan yihiin deegaanada
bariga somaliland ayaa waxa tuhunkaa sii xoojiyay Jamhuuriyada
Somaliland oo Caasimadeedii ka dhigatay HARGEYSA , DEKADDII BERBERA,
Caasimadii Dhaqaalaha WAJAALE , Caasimadii Aqoonta BORAMA …
Tusaale
Dhulka ama Jagadda ku taal Xaafadaha hareeraha Hargeysi waxay ka qiimo
badan tahay 100 baloodh oo ku yaal magaalooyin waaweyn oo gobalada
bariga ku yaal
Lama
yaabo arimahaas waayo barigii ay jirtay Jamhuuriyadii Soomaaliya ee
Muqdisho magaalo madaxda u ahayd ku dhawaad 60% hantida Soomaaliya taal
waxay taalay Muqdisho
Maanta
magaalada Hargeysa iyo nawaaxigeeda waxaa ku nool ku dhawaad 1.5
Malyuun iyo Badh Dad ah oo u dhiganta 3 Somaliland ku nool Qof ka mid
ahi Caasimada ayuu joogaa , waxaa dheer Dadkii Somaliland Intoodii ugu
Hantidda, Cilmiga, Ama Qurba Jooga, Mihnadlayaasha , Suugaan Iyo Fan ,
Sharkado iyo Ganacsi , Dugsiyo Iyo Caafimaad , Siyaasad Iyo Xisbiyo ,
Shaqaale Dawladeed iyo Ciidan Bileys Iyo Qaran …… Waxay iskugu soo
urureen Hargeysa !!!
Madaxweyne Muuse Biixi Barnaamijkiisa Siyaasiga ahaa iyo aragtidiisa ku
aadan Gobalada Bariga wuxuu ku tilmaamay "Reer Galbeedka Culays Ayaa
Saaran oo Waxa Laga Doonayaa In Ay u Noqdaan Walaalahooda Bariga
MUSHIINKII Gaadhiga Dhaqaajinaayay Ee Isku Haynaayay Labada Gobal” Waa
siyaasad CAD oo macnaheedu tahay dadku waa muwaadiniin walaalo ah oo
dalka wada leh waa arin wax wada lahaanshaha xoojin kara , Muuse Biixi
wuxuu ka warar qabay in badanna ku celceliyay SINAANSHAHA BULSHADA YAAN
LAGA TEGIN oo u jeeday marka la fasiro "Galbeed wax badan haysta iyo
Bari aan waxba haysan”
Waa
arinka Cali Khaliif Galaydh oo doonaayo in uu ka dhaadhiciyo dadka
Galbeedka degan Axmed Ismaaciil Samatarna doonaayo in la xoojiyo si wada
lahaanshuhu XALAAL u noqdo
Waa arinka Xisbiga Wadani in badan ku celceliyay oo fasiraad iyo furfurid u baahan
Qoraalkanni waa ARAGTIDAYDA ii gaar ah Run Iyo Beenba wey noqon kartaa
Allaa Mahad Leh
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...