"Taraawiixdu Kama Duwana Salaadaha Sanadka La Soo Waday Ummadana Yaan La Jaahwareerin"..Afhayeen Barkhad

0
Tuesday April 13, 2021 - 14:28:16 in News by
  • Visits: 1576
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Taraawiixdu Kama Duwana Salaadaha Sanadka La Soo Waday Ummadana Yaan La Jaahwareerin"..Afhayeen Barkhad

    "Taraawiixdu Kama Duwana Salaadaha Sanadka La Soo Waday Ummadana Yaan La Jaahwareerin"..Afhayeen Barkhad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Taraawiixdu Kama Duwana Salaadaha Sanadka La Soo Waday Ummadana Yaan La Jaahwareerin"..Afhayeen Barkhad

Hargeysa(HWN):-Afhayeenka xisbiga mucaaridka ah Waddani Barkhad Jaamac Batuun ayaa naqdiyey go'aanka ay xukuumadu ku mamnuucday in masaajidada lagu tukado salaada taraawiixda.


May be an image of 1 person

afhayeen Barkhad ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu kaga horyimid talaabada ay xukuumadu ku mamnuucday salaada taraawiixd, qoraalka afhayeenka ayaana u dhignaa sidan:-

Taraawixdu kama duwana salaadaha sannadka la soo waday, ummada yaan la jaahwareerin.

Bisha Ramadaan waa Bil barako iyo badhaadhe leh, waa bishi qur'aanka waana bishi salaadda, sakada iyo soonka. Goobaha lagu xasillaayo ee cibaado iyo cilmi lagu camiraa waa Masaajidada Illaahay.

Karoonaha xidhi waayay suuqyada, marfashayada iyo goobaha laysugu yimaaddo ee Taraawixda bisha soon joojiyay waa caqli xumo, ummaddu ha taxadirto hana cibaadaystaan oo ha oogaan Tarwaawixda iyo taajidka.

Taxadirka wax loo baahanyahay sannadkoo idil maaha in wasaradda diintu baraarugto Bisha Soon ee waa in qorshe jiraa, waxaanu soo jeedinaynaa in masaajidda la buufiyo, shacabkana loo qaybiyo maalyiinta afsaab ee laynoogu deeqay ee guryaha ku xeraysan.

Qof kasta xilbaa ka saaran caafimaadkiisa halla raaco tallaabooyinka taxadirka, Jamac kasta halla kala durko, culimadu na ha baraarujiyaan dadkooda iyo jamacay tukinayaa. Xanuunkani maaha mid cusub waxa lagu tukanayaa masjidkii xaramka innaguna waa in aynu bishan soon ku camirnaa cibaado iyo is cafis.

Afhayeenka xisbiga waddani Barkhad Jaamac Batuun ayaa qoraalkani qoray .

Loading...
Loading...