Danbi Aynu Heshiis Ku Nahay Sheekh Iyo Shariifba

0
Tuesday May 07, 2019 - 09:44:56 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1134
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Danbi Aynu Heshiis Ku Nahay Sheekh Iyo Shariifba

    Waxay mahadi u sugnaatay ilaaha Raxiimka ah ee markasta inoo naxariista inagoo maalinkasta samayna musuq

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxay mahadi u sugnaatay ilaaha Raxiimka ah ee markasta inoo naxariista inagoo maalinkasta samayna musuq iyo muxaramaat hadana inoo dib yeela nimcadiisana ina daajiya ilaa uu damiirkeenu dib u garwaaqsanayo.


Waxaynu nahay wadan yar oo curdin ah oo ay ku gadaaman yihiin malaayiin mashaakil oo hadii ay mid qudhii inasoo waajahdana aynaan u taag helayn oo tun aynu ku qaadno, tamar aynu ku xamilno,  iyo tab aynu kuxalino midna lahayn waxa inoo yaala boqolaal dabin oo lagu naafaynayo diinteena,dadkeena iyo dalkeenaba sidaasoy tahay waxa uu Alle inagaga dahaadhay dabool adag oo uu inagu ilaashanayo.

In aynu habownay oo hog dheer kadhacnay waxaad ku garataa boqolaalka danbi ee aynu maalin kasta samaynayno, markasta oo uu ilaahay inoo naxariisto oo uu nimco ina siiyo ama balaayo inaga xijaabo halkii aynu uga mahad naqi lahayn taa bedelkeedii ku kacno macsiyo iyo musuq  aynu kaga cadhaysiinayno, waxaa xusid mudan in ay hada inagu soo food leedahay maalintii aynu dib ula soo noqonay qaranimada aynu danta moodnay ee aynu shalay usoo riiq iyo rafaad dhamaysanay taasoo Allah inoo fudaydiyey gacanteenana ku soo celiyey si uu inoogu imtaxaamo hadaba waa halka aan u socdaye sidaynu uxusnaa maxaase inala gudboon.

Waa Maalin Sabti ah loona af xidhan yahay rabigeen waxay ku beegan tahay28 Sano kadib lasoo noqoshadii qaranimada Jamhuuriyada Somaliland oo mudan mahadnaq badan taa bedelkeeda waxaynu caruurta iyo dumarka oo qaawan si aan haboonayna u hagoogan calanka tawxiidku ku qoran yahay aynu u soo saarnaa shaaricyada magaalooyinka waxynu ku boorinaa in ay jidhkooda ku ruxaan mashraxyo Maamul iyo Musheekhba loo dhan yahay halkaasoo aynu ku daawano inaga oo dhamaanteen ka raaliya qaarkoodna lacago lagu siiyo si ay u heesaan oo iskugu keen hor ruxaan arintanoo ah macsiyo aynu u dhanahay, waxaa dhaca shilal badan oo galaaftaubad,dhalinyar,iyo haween badan oo ka lusha daaqaadaha iyo saqafka sare ee gawaadhida kuwanoo aynu in badan u soo joognay, habeenkan waxaa la dhigaa xaflado badan waxaana dhaca macaasi badan oo galaafta dhalinteena gaar ahaana hablaheena.

Waxaan ku soo gunaanadayaa waxaynu munaasibadan u xusi karnaa si waafaqsan diinta inaga oo aan rabigeen caasiyin, sidaa darteed waxaan u soo jeedinayaa Culimada diinta in aanay ka aamusin arintan halista ah oo ay kuligeenba masuuliyad inaga saran tahay ee ay ka wacdiyaan bulshada xukuumaduna wax ka  badasho nidaamka aynu u qabsano sanadguuradan hadii kale waxaa ka dhalanaysa cadho eebe oo aynaan mahadin.

 

A.khadar A.Lahi Ali

[email protected]

 

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...