CILMI BAARIS (Research)
================================
Cilmi baadhis waa eray farsameed loo isticmaalo tacliinta
sare gaar ahaan jaamacadaha. Sida ka muuqato erayga,
waa labo eray oo isu tagay CILMI iyo BAARIS.
Sida dhabta ah ma jirto hal qeexid oo la isku wada
raacsanyahay oo ay leedahay cilmi baarsitu, waxaase jiro
qeexisyo kala duwan oo ay u sameyeen dadka ku xeel
dheer cilmi baarista. Casharkan waxaan ku soo bandhigi
donaa qeexista kala duwan ee laga bixiyay Cilmi baarista.
Cilmi baaristu waa hab celimiyeeysan oo lagu baaro xogta
uu leeyahay mawaduuc cayiman. Waxaa kaloo lagu
qeexaa cilmibaaristu in ay tahay nidaam lagu raadinayo
xaqiiq cusub oo lagu soo kordhiyo qayb ka mid ah
cilmiga jiro.
Qabiirada qaar ayaa cilmi baarista ku shegay inay tahay
nidaam lagu ogaado wax aan la aqoonin, sidoo kale waxay ku shegaan cilmi baaristu inay tahay safar lagu daahfuraayo
aqoonta dahsoon. Sidoo kale waxaa cilmibaris lagu
shegaa in tilaabo kasto oo lagu doonaayo in lagu
ogaado wax aan la ogayn natiijadooda.
Marka loo eego Clifford Woody, cilmi barista waxaa uu
ku sheegay in ay tahay dhib jiro oo la ogaado, la saadaliyo
xalka, la sameeyo xog aruurin ku saabsan dhibaatada,
kadib xogta la falanqeeyo ugu dabayntiina la isbar
bardhigo wixi la saadaliyay iyo natiijada dhabta ah ee soo
baxday xog ururinta.
Dhinaca kale D. Slesinger and M. Stephenson waxay
cilmi baaris ku shegeen in ay tahay nidaam lagu
balarinayo, lagu saxayo, ama lagu xaqiijinaayo cilmiga
jiro. Ugu danbayntii, cilmi baaristu, waa tabaruca asalka
ah ee aqoonta jirta iyo in la horumariyo cilmiga.
Cilmi barista waa in la raadiyo runta iyada oo la baarayo
habnidam cilmiyeed ah sida tijaboyin, waraysiyo, isbar bardhig iwm. Cilmi barista waa hab xal loogu helaayo
dhib jiro oo taagan .
Hadafka laga leeyahay Cilmi baarista
Hadafka laga leeyahay cilmi baarista waa ay kala
duwanaan kartaa, waxaase ugu muhiimsan in jawaab
loogu helo su’ aalihi aan la aqoon jawaabtooda iyo in la
soo helo runta aan weli la ogaan iyadoo lagu radinaayo
hab cilmiyeeysan. Sida aan horay u sheegnay, hadafka
cilmi baarista waa uu kala duwanaan karaa, waxaase ugu
waawayn hadafka qodobada soo socdo midkood.
In arin cusub loo baaro si qoto dheer wax badana laga
ogaado (Exploratory Study)
In cilmi baaris lagu sameeyo dabeecada iyo xaalada, qof,
koox ama arin (Describtive study)
In la daraaseeyo inta jeer ee wax soo noq noqdaan iyagoo
xiriir la leh arin kale (diagnostic study) In la tijaabiyo saadaal laga bixiyay xiriirka ka dhaxeeyo
doorsoomayaasha ( Hypothesis testing study)
Casharka 2 Cilmi Baarista (Research) Maxaa lagu qexaa
cilmi Baaris?.
Cilmi baaristu way nuucyo badan tahay wayna kala
duwantahay. Inta aan la bilaabin cilmi barista waxaa
haboon in la is waydiiyo.
Maxay tahay hadafka laga leeyahay cilmi baaristaan?
Cutubkaani waxaynu ku soo bandhigidonaa nuucyada
cilmi baariseed kuwooda ugu muhiimsan.
Cilmi Baaris Saafi ah (Pure Research)
Inta badan cilmi barista nuucaan ah waxaa loo sameyaa si
loo ogaado xog aas aas u ah cilmiga Sayniska. Marka la
samaynayo cilmi barista nuucan ah, hadafku ma ahan in la
adeegsado durbaba oo la dabaqo natiijadii ka soo baxday
cilmi barista, ee hadafku waxa uu yahay in la hurumariyo
cilmiga jiro, lacadeeyo lana sharaxo xiriirka ka dhaxeeyo
doorsoomayaasha (variables).
Hadafka cilmi baaristan waxaa kale uu noqon karaa in la
hurumariyo fahanka aqooneed ee aanu ka haysano dunida
aanu ku nool nahay.
Casharka 1 Cilmi Baarista (Research) Maxaa lagu qexaa
cilmi Baaris?.
Waxaa laga yabaa in uu qofka is waydiiyo, hadii aanan
cilmi barista xal toos ah loogu raadinayn dhib jiro ama
anan looga jawaabeyn su,aalo aan jawaab loohayn
xiligaas.
Maxaan lacag iyo waqti ugu luminaa, maxaanse isugu
dhibnaa? Jawaabtu waxay tahay, cilmi barista saafiga ah
(Pure) waxay aas aas u tahay cilmi barista oo dhan,
waxayna wadada u sii xartaa in la amba qaado waxa loo
yaqaano cilmi barista la dabaqay (Applied Research)
hadii aan la helin cilmi baaris saafi ah (Pure Research)
way adkanaysaa in la amba qaado cilmi barista la dabaqo
waana sil salad isku xiran.
Cilmi Baarista la dabaqo (Applied Research)
Guud ahaan, cilmi barista la dabaqo waxa loo amba qadaa
si looga jawaabo su, aalo aan jawaabtooda lahayn ama xal
loogu keeno dhibaato jirto. Inta badan hadafku waxaa uu
yahay in wax la qeexo ee ma ahan in la curiyo. Cilmi
barista nucaan ah waxaa aas aas u ah oo ay raad racdaa
cilmi barista saafiga ah.
Hadaba, su,asho waxay tahay. Muxuu yahay farqiga u
dhaxeeyo labada nuuc ee cilmi baariseed? Mida hore,
waxay ka caawisaa adanuhu in uu wax badan ka ogaado
dunida aynu ku nool nahay.
Halka cilmi baariska kale ay ka caawiso aadanuhu in uu
xal ugu raadiyo dhib jiro ama su,aalo aan jawaab loo
hayn.
Cilmi baaris waliba waxa ay
leedahay hadaf gaar ah oo lagu gaaro.
Waa muhiim in cilmi baaruhu yaqano nuuca cilmi
baariseed uu an baqadayo inta uusan howsha faraha
lagelin. Waana in cilmi baaruhu ogaado mida uu
hadafkiisa ku gaari karo. Waxaa marar badan dhacdo in la
amba qaado cilmi baaris hadana natiijadi ka soo baxday
ay miro dhal ahaan waydo amaba ay xiriir la yeelan
waydo hadafki lagalaa cilmi baarista, taasina waxaa loo
aneyaa in bilawgii hore, cilmu baaruhu uu san ogayn
nuuca cilmi baariseed ee ku haboon waxa uu donayo.
Qoralada soo sodo waxaan ku sharaxaynaa nuucyada
cilmi bariseed.
Cilmi baaris Sahmiyeed (Exploratory study)
Cilmi barista nucaan ah waxaa la sameyaa marka ay san
jirin wax horay looga qoray arintaan oo ay tahay marki
ugu horeysay ee lagu sameyo cilmi baaris. Cilmi baaristu
waxay isku dayaysaa in ay ogaato xog badan oo la
xiriirto arintaan madama ay tahay markii ugu horeysay ee
cilmi baaris nuucasi la sameeyo.
Darasad Sahmiyedku waa ay dabacsantahay (flexible)
waxaa lagu xalin karaa nucyada kala duwan ee su,aalaha
cilmi baarista sida (Sababta, Maxay, iyo Sidee). Cilmi
baaristu waxa ay isku dayaysaa in ay soo bandhigto xog
cusub iyadoo aysan jirin wax horay loo sii saadaaliyay
ama loo mala awaalay (hypothesis). Hadaba cilmi baaris
sahmiyeedka waxaa lagu soo kobaa sidan:-
In aqoon dheeraad ah iyo faah faahin laga helo waxa la
baaraayo
In la curiyo fikir cusub, iyo in la hurumariyo aragtiyaha
(theories)
In la curiyo malo awaal cusub (Hypothesis)
In wadada loo sii xaaro suurta galnimada in cilmi baaris
kale oo dheeri ah la amaba qaado
In la helo jiho macayim ah loo raaco daraasadaha
mustaqbalka
Cilmi Baaris Qeexineed (Descriptive research)
Cilmi baarista nucaan ah waxay qeexdaa arin gaar ah,
waxayna diirada saartaa waxa dhacaya hada. Sidoo kale
waxay diirada saartaa imisa jeer ayay horay u dhaceen
arimaha nuucaan ah. Darasada kama hadasho sababta ay
arin u dhacdo ama u dhacday intaba. Sababaha loo
ambaqaado darasadan nuucan ah way fara badan yihiin
waxaase ugu sii muhiimsan in la muujiyo xiriirka ka
dhaxeeyo doorsoomayaasha (Variables ).
Marka darasadan la amabaqadayo cilmi baaruhu waxaa
uu adeegsan karaa qidado kala duwan oo uu xogta ku soo
ururiyo. Waxaana ka mid ah qidadaha. In uu indho indheen
ku ururiyo xogta ama daraseen. Darasadu waxay u kuur
gashaa (xalada, dabeecadaha, dhaqanka iyo rayiga) ay
leyihiin koox gaar ah. Sidoo kale waxaa la adegsan karaa
waraysiyo kala duwan oo dadka lala yeelanayo.
Daarasada qeexida waa loo adegsan karaa hababka Taranka (quantitative) iyo Tayada (Qualitative) In la go,aamiyo
nooca la adegsanaayo waxay ku xirantahay su,allaha cilmi
baarista (Reseach Questions)
Cilmi Baaris Sharaxeed (Explanatory research)
Daraasada nuucaan ah waxay sharaxdaa sababta ay wax u
dhacayaaan, waxay qimaysaa waxa sababo xiriirka ka
dhaxeeyo doorsoomayaasha (Variables). Waxaa kaloo loo adegsadaa in lagu tijaabiyo xariirka ka dhaxeeyo mala
awaalka (Hypothesis) iyo samaynta ay isku yeelan
karaan doorsooma yaasha. Cilmbi baaris sharaxeed ku
waxay ka jawabtaa, sababta iyo sida ay wax u dhaceen.
Waxay raadraacdaa waxa sababa iyo samaynta xiriirka ka
dhaxeeyo labo doorsome.
Cilmi baaristan waxaa la amba qadaa marka xogta lahayo
ay yartahay lana rabo in la sii faah faahiyo xogtaas yar oo
la keeno faah faahin dheeri ah. Hadafki waxaa uu yahay
in la helo xog badan.
Cilmi Baaris Saadaalineed (Predictive research)
Cilmi baarista nuucaan ah waxay saadaalisaa
ifafaalaha mustaqbalka iyo suurta galinimada waxaas in
ay dhacaan. Cilmi baaristaan intabadan waxay ku
bilaabataa in la raadiyo waxa dhici doono iyadoo laga
qayaas qaadanayo wixi horay loo ogaa amaba horay u soo
dhacay. Cilmi barista nuucaan ah waxaa lagu lifaqaa
fasiraadi ay soo jeedisay cilmi baaris sharaxeedkii
(Explanatory research)
Waxaa muhiim ah in qofka uu doorto mowduuc uu aad u
xisaynayo uu diyaar u yahay in uu waqti iyo garaad uu ku
bixiyo.
Dooro mowduuc aad aqriskiisa ku raxaysanayso aadna
fahmayso xogtisa hoose . Waxaa haboon mowduuca la
doranayo in uu ahaado mid xiriir la leh noloshaada iyo
mustaqbalkaaga shaqo. Tusaale, hadii aad jeceshahay in
aad noqoto ganacsade ama aad tahay, mowduucaga ha
ahaado ganacsiga iyo wax la xiriro. Hadii aad rabto in aad
noqto siyaasi mowduucaga hala xiriiro siyaasada.
Mowduuca ha ahaado, mid aad horay wax uga soo
baratay oo aad course kiisa soo qadatay oo waliba aad
darajo fiican ka haysato natiijadiisa imtixaanka. Dooro
madooyinka aad A ka haysato oo aad ku raxaysanaysay
xiligi aad baranaysay. Haka dooran mowduuca maado aad
C ka hayso ama aad ku dhacday.
Samee waxa loo yaqaan (Brainstorming) aruuri rayiyo
kala duwan oo la xiriiro mowduca .Iska hubi in
mowduuca aad maamuli karto (managable) xogtiisane aad
heli karto
Aqri oo soo ururi xogbadan oo la xiriirto mowduuca aad
rabto in aad wax ka qorto
Marwaliba oo la dooranayo mowduuc waxaa haboon in la
iswaydiiyo su’alaha looyaqaan (5Ws) maxaan u doranaa
moducaan? Maxaa xiiso ah uu iileyahay aniga? Rayi
maka haystaa arimaha quseyo moducan?
Yuuquseyaa mowducan oo xogtiisaa laga helaa marka
xog ururiska la gaaro? Ka fogow mowducyada ay kugu
adkanayso in aad xogtooda hesho ama cida ay qusayso
aad awoodin in aad la kulanto.
Tusaale ahaan hadii xogta lagaaga bahanyahay in aad ka
soo ururiso madaxda ugu sarayso dalka sida
Madaxwaynaha iyo Ra,isul wasaraha iyo Wasirada.
Adigane adan ahayn siyaasi awood u leh in uu la kulmo
dadkaas.
Waxay kugu noqonee in ay waqti dheer kaa qadato ama in
aad ku guul daraysato. Marka ka taxadir cida
mowduucaaga uu higsanayo in uu ka helo xogta.
Waxaa kaloo muhiim ah in aad taqaano mowduca aad
wax ka qorayso qoraayaasha ugu waa wayn ee ugu
caansan. Qorayasha waxay shegaan cilmi baarista
mustaqbalka la rabo in la amba qaado ee quseeyo
mowducaas. (Future recommendation)
Ogow waxa ayihiin su,aalaha ugu waa wayn ee la iska
waydinayo mowducan? Majirtaa dood ka taagan
mowducan oo aan jawaab loohayn? Ma jirtaa oraahyo iyo
aryiyo kala duwan oo laga kala qabo mowducan oo la isku
qilaafsanyahay?
Hubi in mowducan uu meel ka
bananyahay (GAP)
Is waydii hadii aan doorto mowducan ma wuxu muhiim u
yahay gudaha, heer qaran mise heer caalami. Majiraa meel gaar ah uu bartilmaamaysanayo mowducaaga.
W/Q Murti iyo Maan-Gal
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!