Somaliland Oo Go'aan Ka Soo Saartay Qaabka Loo Tukannaayo Salaada Taraawiixda Bisha Ramadaan

0
Monday April 12, 2021 - 19:38:27 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1654
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Oo Go'aan Ka Soo Saartay Qaabka Loo Tukannaayo Salaada Taraawiixda Bisha Ramadaan

    Somaliland Oo Go'aan Ka Soo Saartay Qaabka Loo Tukannaayo Salaada Taraawiixda Bisha Ramadaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland Oo Go'aan Ka Soo Saartay Qaabka Loo Tukannaayo Salaada Taraawiixda Bisha Ramadaan

Hargeisa(HWN):-Wasaarada diinta iyo awqaafta Somaliland, ayaa ku dhawaaqday in salaada taraawiixda guryaha lagu tukan doono xaalada caabuqa Covid-19 darteed.


Wasiirka wasaarada diinta iyo awqaafta Somaliland Sh. Khaliil Cabdillaahi Axmed, oo kulan la qaatay culimada masaajidada Hargaysa, ayaa sheegay in xaalada caabuqu ay sarayso sida darteedna loo bahan yahay in la is ilaaliyo.


"Dadka ay nu tukinayno iyo inaguba bad baado ayaynu u baahanahay in aynu is ilaalinaana waa shay lagama maar maan ah, diin tuna in fartay” ayuu yidhi wasiir Khaliil.

Wasiirka ayaa dhinacakale culimada warbixin ka siiyay heerka uu marayo caabuqa Covid-19 ee gudaha Somaliland.

"Bishii kowaad ee sanadkan, geeridu waxay ahayd 4 qof oo kaliya, dadka xanuunka laga helayna 2% ayay ahaayeen”. Ayuu yidhi wasiir khaliil.
"Bishii labaad, 5% qof ayaa laga helay, 8 qof na way inaga dhimatay, bishii saddexaad 16% qof ayaa laga helay, 107 qof ayaa dhintay”.

"Bishan April, xisaabta 11 cisho, waxa laga helay caabuqa 15.4%, 11 kaa maal mood waxa u dhintay 64 qof”. Ayuuu wasiir khaliil hadal kiisa sii raaciyay.
Wasiirka ayaa sheegay marka la eego sida khatarta caabuqa usii kordhayso in loo bahanyahay in salaada taraawiixda guryaha lagu tukado si loo ilaaliyo bad qabka shacabka.

Loading...
Loading...