Nidaamka Asxaabta Badan Iyo Geedi Socodka Doorashooyinka

0
Tuesday May 07, 2019 - 09:18:41 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 990
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nidaamka Asxaabta Badan Iyo Geedi Socodka Doorashooyinka

    WAAGII HORE EE SOOMAALIYA

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WAAGII HORE EE SOOMAALIYA
tan iyo markii ay burburtay dawladii dhexe ee Somalia waxa lagu taamayay in mar uunlaga gudbo nidaam siyaasadeedka qabiilka ku dhisan sidoo kalena loo gudbo nidaamka doorashada xorta ah iyo asxaabta badan ku dhisan. nasiib daro wali Somalia kumay guulaysan nidaamka doorashada ku dhisan hal cod iyo hal qof, taas oo macnaheedu tahay in awoodda dawladnimada lagu celiyo gacanta shacabka soomaaliyeed isla markaana shacabka la siiyo awoodda iyo xaqa doorasho ee ay leeyihiin.



marka dhinaca kale laga eego Soomaaliya waa dal ka mid ahaan jiray dalalka ay ka hana qaadday geedi socodka doorashooyinka iyo nidaanka ay dadwaynuhu awoodda leeyihiin, waana dal ay ka dhacday dhawr jeer doorasho hal Cod ah oo hal Qof ah, taas oo xor ah oo xalaal ah.


si kastaba ha ahaatee dalka Soomaaliya waxay doorasho ka dhacday ilaa markii ay koofurtu Maamul Wakaaladeedka ahayd waana xiligii Cabdullahi Ciise loo doortay madaxwaynaha Maamul Wakaaladeedka Koonfurta Soomaaliya, halka markii danbe ee ay isu tageen labadii Soomaaliyeed ee kala ahaa waqooyi iyo koonfurtu ay madaxwayne u dooreen Aadan Cabdule Cismaan.


intaas marka laga yimaado doorasho qof iyo cod, oo ka balaadhan xiligii Cabdulahi Ciise ee dalku uu Maamul Wakaaladeedka ahaan jiray waxay ka dhacday 1967kii taas oo madaxwayne dalka loogu doortay alle ha u n axariistee Abdirashiid Ali Sharma-arke, halka raysal wasaarahana loo doortay Mohamed Haji Ibrahim Cigaal, maalintaa laga bilaabo dalku wuxuu ahaa dal ay adduunyadu u tixgaliso hanaanka doorashooyinka iyo awood siinta shacabka Soomaaliyeed (Democratic System). hase ahaatee muddo badan masii hana qaadin habka, hanaankaa iyo nidaankaa doorasho, ee ka hirgalay dalka Soomaaliya kaas oo laga dheehan karo doorashooyinka lagu tartamay waqtigii uu dalkani curdinka ahaa iyo awood siinta shacabka Soomaaliyeed


WAAGA IMINKA EE SOOMAALIYA


Soomaaliya hadda waxa ay u baahan tahay isbedel, kaas oo ku salaysan nidaamka asxaabta badan iyo geedi socodka doorashooyinka dalka, si looga baxo nidaanka golayaasha shacabka, kuwaas oo ah halka iminka laga soo doorto madaxda dalka, loona gaadho nidaamka asxaabta badan iyo awood-siinta shacabka Soomaaliyeed si ay u helaan madax ay iyagu codkooda ku doorteen kuna keeneen kursiga kuna matala codkooda, taas oo muujinaysa inuu qof waliba iska dhex arko habka iyo hanaanka siyaasadeed ee dalka Soomaaliya.


si kastaba ha ahaatee dalka Soomaaliya hadda wuxuu marayaa meel wacan oo ay tahay in ilaahay loogu mahadnaqo looguna duceeyo cid kasta oo ka qayb qaadatay dib u dhiska dalka iyo soo celinta sharafta iyo karamada shacabka Soomaliyeed, taas oo ay ugu danbayso dawlada dedaalkeeda iyo daacad-nimadeeda la arko ee ay hogaanka u hayaan madaxwayne Maxamed Cabdulahi Maxamed (Farmaajo) iyo raysal wasaare Xasan Cali Khayre


DABEECADDA DADKA SOOMAALIYA


dabeecadda dadka Soomaaliya waa mid u furfuran Nidaamka Asxaabta badan iyo geedi socodka doorashooyinka, waana wax hore loogu soo tijaabiyay, oo xaga sare way-naga kaga soo sheekaynay sida ay ula jaanqaadeen waagii hore ee Soomaaliya Nidaamka Asxaabta badan iyo habka awood-siinta shacabka, taas oo laga dheehan karo inay yihiin dad gali kara waxna ku dooran kara doorasho Cod iyo Qof ah, isla markaana ay kula soo baxayaan masuulkii ku matali lahaa hogaaminta iyo jihaynta dawladooda. taas oo uu qof walba oo uu hunguri ka galo hogaanka dalku iska dhex arki karo halka uu kaga jiro iyo shacbiyada uu haysto.


laakiinse waxa ku hareeraysan hogag iyo hadimooyin ay tahay inay ka talaabsadaan oo ay jiidhaan isla markaana ay jabiyaan darbiga Nabad-diidka iyo Dawlad-diidka aan wax dana u haynin shacabka Soomaaliyeed, sababta ugu wayn ee shacabka Soomaaliyeed xurmo daraysay waa qabiil-qawlaystayaal iyo siyaasiyiin siyaasadda u fahmay si xun isla markaana shacabka ku abaabullay qabiil hebel bay wax ka maqan yihiin iyo wixii la mid ah, halkaana waxa laga dheehan karaa inaanay shacabku iska fahmin dhibta iyo hadimada ay u horseedayaan danaystayaasha ku caan-baxay dawlad-diidka iyo nabad-diidka kuwaas oo shaqadooda laga dheehan karo inay ka socdaan dalal shisheeye.


MA QABSOOMI KARTAA DOORASHO COD IYO QOF AH ?


MA QABSOOMI KARTAA DOORASHO COD IYO QOF AH ? "Aragtidayda Haa” laakiinse waxa jira caqabado iyo hagar-daamooyin ku gadaaman nidaanka asxaabta badan iyo geedi socodka habka awood-siinta shacabka Soomaaliyeed, taas oo uu ugu horeeyo amniga iyo deganaansho la’aanta dalka iyo falalka Nabad-diid-nimada ah ee dalka ka jira (Argagixiso), kaas oo aan la odhan Karin waa wax mab-di ku dagaalamaya laakiinse la odhan karo waa dawlad-diid iyo nabad-diid, aragtidaas oo ay taageerayaan dalal adduunka inagu xeeran ka mid ah kuwaas oo aanay dani ugu jirin inay Soomaaliya cagaheeda ku istaagto, sidoo kalena ay taageero ka helayaan dad muwaadiniin ah oo dalka gudihiisa iyo debadiisaba dabka kaga soo shidaya dalkooda, taas oo ay ku bedelanayaan dano shaqsiyadeed


SOO JEEDINTAYDA DOORASHADA


Ø Waxan soo jeedin lahaa ugu horayn waa in la sameeyaa qorshe cad, kaas oo ku qotoma sidii ay doorasho cod iyo qof ahi ay dalkan uga dhici lahayd.


Ø Waana in la helaa ka go’naansho dhinacyada ay khusayso sida dawlada Soomaaliya ee hada jirta iyo daneeyayaasha doorashada dalka Soomaaliya oo ay ugu horeeyaan waxa loogu yeedho deeq-bixiyayaasha caalamka ee dhinaca arrimaha doorashooyinka.


Ø Waan in la meel mariyaa xeerka doorashooyinka iyo nidaamka asxaabta badan iyo geedi socodka habka awood-siinta shacabka Soomaaliyeed.


Ø Waa in la dhisaa ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa u gaar ah arrimaha doorashooyinka dalka kusoo food leh, taas oo laga yaabo inay qaadato mudo badan, yeelkeede waa in muhiimada ugu wayn la iska saaraa sidii xasilooni iyo deganaansho amni dalkan loogu soo celin lahaa, si ay dadka Soomaaliyeed u helaan xaqa doorasho ee ay ku leeyihiin dalkooda, si ay ula soo baxaan masuulkii ku haboonaa hogaaminta iyo jihaynta dalkooda.


Ø Waa in la kordhiyaa mudada ay doorasho cod iyo qof ahi dalka kaga dhici karto, taas oo aan ku sababaynaayo, waa in doorashada ka hor la helaa ciidan dhisan isla markaana adag, ahna qaar lagu aamini karo deganaanshaha iyo xasiloonida guud ahaan dalka gaar ahaan waqtiga doorashada, isla markaana ah ciidan dhiirigashan haday noqoto mushahar iyo qalab ciidanba.


Ø Haddii ay intaasi suurtagali waydo waa in la qorsheeyaa inay doorashadu ka dhacdo gobolo gaara iyo degmooyin gaar ah, kuwaas oo loo gaar yeelay inay amnigooda dawladu gacanta ku hayso, taas oo macnaheedu noqon karto doorosho macmal ah ama doorasho aan caadi ahayn (Extra-ordinary Election for Somalia).


Ø Ugu danbayn waa in laga hawl gala sidii loo samayn lahaa doorasho ku dhacda habka qalabka baahiye isgaadh-siineedka (internet computer,,,,, online software program for election), (voter registration modernization), taas oo ah wax adduunku soo tijaabiyay kuna guulaystay, waxan rajaynayaa inay taas ugu dhawdahay inay doorasho cod iyo qof ahi dalka ka dhacdo. habkaa ugu danbeeya ee aan sheegay waxa ku dhaqma wadamo badan oo uu ka mid yahay maraykanku, waxana aaminsan nahay in la hirgalin karo laguna qaban karo doorasho cod iyo qof ah, isla markaana si amaan ah dalka uga dhacda una wada gaadha.


GUNTII IYO GUNAANADKII


Waxan aaminsan nahay haddii ay Doorasho cod iyo qof ahi waqtigan dhici waydo inay adag tahay qabsoomida mar danbe, waayo dawladihii Soomaaliya soo maray tan iyo intii ka danbaysay burburkii dawladii dhexe ee Soomaaliya waxa ugu muhiimsan uguna dhaqdhaqaaq badan, sidoo kalena laga arki karo dedaal iyo daacadnimo ay dadkeeda ugu adeegtay waa Xukuumadda Nabad iyo Nolol ee hadda xilka haysa.


Waxan rajaynayaa inay dawladu maqaalkaygan tixraacdo isla markaana ay adeegsato, waxa aan filayaa inuu wax badan ka iftiimin doono doorashada iyo arrimaheeda, isla markaana inaan maqaalkan iyo kuwa kale oo la mid ah-ba aan la dayacin ee lagala baxo wixii macno ah ee ku dhex jira isla markaana wax ka taraya arrimaha Doorashooyinka dalka ku soo food leh, si wax looga bedelo nidaamkii hore ee dalku kusoo dhaqmi jiray ee ahaa inay golaha shacabku soo doortaan madaxwaynaha dalka.

Waa in shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho usoo jeestaan dhismaha dalkooda iyo ka qayb qaadashada hanaanka geedi socodka habka awood-siinta shacabka Soomaaliyeed ee la rabo in dalka uu ka hirgalo isla markaana waa inay u diyaar garoobaan doorasho cod iyo qof ah, si ay u helaan awoodda iyo xaqa doorasho ee ay dalka ku leeyihiin ulana soo baxaan hogaanka dalka hogaamin kara.


Madaxda Maamul Goboleedyada waxan usoo jeedinayaa inay ka waan-toobaan kana way-naadaan khilaafyada ay mar kaste ku istaadhayaan dawlada dhexe ee dalka (Federal Government) waana inay usoo jeestaan hagaajinta iyo hilaadinta hanaanka dawladnimo ee dalka lala rabo inuu gaadho isla markaana waa inay dawlada dhexe kala shaqeeyaan sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho cod iyo qof ah, si looga dhabeeyo habka iyo hanaanka geedi socodka awood-siinta shacabka Soomaaliyeed ay xaqa- uleeyihiin ee Dastuuriga ah.


Haddii la rabo inay dalka ka dhacdo doorasho cod iy qof ahi waxay u baahan tahay shaqo badan iyo dedaal badan, kamana maaranto in meel looga soo wada jeesto danta dalka iyo dadka Soomaaliya muxaafid, mucaarid iyo shacab-ba waa in laga way-naadaa wixii sodonka sanno ay dalkan iyo dadkani kusoo jireen, kaas oo ahaa qas iyo qalalaase waa inay ku bedelaan qab iyo qaan-gaadh-nimo si uu qaranku u taabo qaado uguna istaago lugihiisa isla markaana uu caalamka uga mid noqdo, sidoo kalena uu ula xisaabtamo wixii inaga maqnaa sodonka sanno ee inagu dhaafay qaska iyo qalalaasaha.

WABILAAHI TAWFIIQ


W/Q: Mukhtaar Maxamed Muuse (Dawlad), Candidate for Master of MBA in PP&M

Email: [email protected]/ Tell: 252-063-4109969

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...