Muuse Biixi Oo Sawir Qabyaaladeed Ka Bixiyey Shirkii Madaxda Soomaaliya Uga Socday Muqdisho

0
Monday April 12, 2021 - 11:49:04 in News by
  • Visits: 1401
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Sawir Qabyaaladeed Ka Bixiyey Shirkii Madaxda Soomaaliya Uga Socday Muqdisho

    Muuse Biixi Oo Sawir Qabyaaladeed Ka Bixiyey Shirkii Madaxda Soomaaliya Uga Socday Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Oo Sawir Qabyaaladeed Ka Bixiyey Shirkii Madaxda Soomaaliya Uga Socday Muqdisho

Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland Ilaahay waafajiyey go’aankii ay xornimadeeda kula soo noqotay 30 sanno ka hor, madaama ayuu yidhi weli Somalia ay ka jiraan khilaafyo siyaasaddeed oo bannaanka u soo saaray kala sheegashada Magaalooyinka dalkooda.




Madaxweyne Biixi oo ka hadlayey Xaflad lagu qabtay Magaalada Hargeysa oo xadhigga lagaga jarayey Dhismayaal ay hir gelisay Wasaaradda Waxbarashada, ayaa waxa kale oo uu wax laga xumaado ku tilmaamay in Madaxda Somalia sheegaan in Xubno Somaliland ka soo jeeda lagu dooranayo Muqdisho, waxaanu yidhi "30 Sanno ayey Somaliland xor ahayd, oo ay wax qabsanaysay oo ay dhismaysay, inta ka dhiman waxa dhibaato nagu haya Dawladda Muqdisho ka dhisan oo cadaawad ugu hayn ku hayso Somaliland. In badan ayeynu maqalnaa Somaliland kama tegi karto Somalia iyo Soomaali way isku baahan tahay. Waxa yaab leh toddobaadkan doodda ka socota Muqdisho garoonkeeda, shirarkii u dambeeyey ee lagu kala kacay, waxa joogay Siddeed nin, lix ayaa isku dhinac ahaa, labana isku dhinac ayey ahaayeen, markii qoddobadii la soo qaaday 4 ka mid ah Lixdii isku dhinaca ahaa waxay yidhaahdeen arrimaha Gobolka Banaadir ka dhaca iyo Mdaxweyneyaashii hore oo imika jooga, isla markaana dhammaantood Muqdisho ka soo jeeda, arrinta Muqdisho, Kismaayo iyo Garoowe iyo mid kalena toona kama hadli karto, waa arrin innagu cusub, marka ay sheegaynayaan waxa leeyihiin waa Caasimaddii Somaaliyeed ee kaalay, shanti Soomaaliyeed ayaa la doonayaa. Waxa aan la yaabanahay Siyaasiyiinta Maanta ee leh arrinta Xamar wax aka hadli kara oo keliya Dhuusa mareeb, Jowhar iyo Banaadir, oo cid kale kama hadli karto, ee haddana leh Somalilando Somalia ha isu timaado, waxaan leeyahay labadaasi laba is qabanaya maaha. Somaliland Illaahay 30 sanno ka hor ayuu waafajiyey in ciridkaasi Ilko ka soo baxayn. Xalku waxa weeye Soomaalidii uu Talyaani guumeysan jiray horta xal iyaga ha loo helo, inta ka horreysana aynu kala fadeexad la’aano, colaadda iyo Af xumada iyo Somaliland ayaa xildhibaannadeeda Xamar lagu dooranayaa, arrintaas kala fogeyn ayey keenaysaa ee ka waantooba.”


Loading...
Loading...