Aala-Isxaaq

0
Monday April 12, 2021 - 09:42:43 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 821
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aala-Isxaaq

    W/Q: Maxamed Sheekh Daahir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Maxamed Sheekh Daahir

Aala-Isxaaq (آل اسحاق)

Magaalada Haynan (هينن), ee gobolka Xadar-mowt (حضرموت), ee dalka Yamaneed, waa magaalo taariikh leh, oo xaddaarad leh. Waa balad maddarasadeed, oo waa hoy waxbarashadeed, oo culumo badan ayaa ka soo aflaxdey; oo muftiyo badan ayay soo saartey. Waa wabi aqooneed, oo mashaa’iikh badan, oo fiditaankii diinta Islaamka ka qeyb qaadatey, ayay soo waraabisey; oo soo bisleysey.



Maddarasad Aala-Isxaaq (آل اسحاق) la odhan jirey, oo Qabiilka Aala-Isxaaq (آل اسحاق), ee Reer Haynan (هينن) ay aasaaseen, oo iska lahaayeen, oo maamuliddeeda iyo maareynteeduba ay iyaga gacantooda ku jiri-jirtey, ayaa maddarasadihii Haynan (هينن) ugu magac weyneyd, oo ugu mudnaan badneyd, oo ugu sumcad rooneyd; oo dalka Yaman gudihiisa iyo dibaddiisaba, iyada ayaa waayadaas ugu caansanaan jirtey.


Sidaas darteed, culumaa’u diin badan, oo Qabiilka Reer Aala-Isxaaq (آل اسحاق) ka soo jeedey, oo diinta Islaamka fidin jirey, oo dunida dacalladeeda ku shaacin jirey, oo xataa gayigeennan Geeska Afrikada Bari soo gaadhsiiyey, ayaa jiri jirey; oo hubaal ah.


Sidaas awgeed, waxa suurto-gal ah, inuu Sheekh Hebel Binu Isxaaq, oo Reer Aala-Isxaaq (آل اسحاق) ka soo jeedey’i, inuu Maydh ka soo deggey; oo xer ka urursadey, oo iyaguna ixtiraam ahaan uun ay ”Aabo” u yidhaahdeen; oo ka dibna ”Aabo”dii uun la sii abla-ableeyey.


Si kasta ha ahaato’e, haddii uu Sheekhaas Reer Aala-Isxaaq (آل اسحاق) uu Reer Maydh ka guursadey, oo tafiir uu deegaankaas kaga tagey, oo haddeertan cido inay Sheekhaas ka soo jeedaan isku maleynayaa’i ay jiraan, waxa ugu fudud, ee xaqiiqada ay ku gaadhi karayaan, oo eheladooda ay ku heli karayaan: Iyaga oo Isir Sidahooda (DNA)da iyo Isir Sidaha (DNA)da Qabiilka Reer Aala-Isxaaq (آل اسحاق), ee Haynan (هينن), iyaga oo isku eega – bi idni Allaah.

Maxamed Sheekh Daahir

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...