Dhadhanshaa Ku Waalan ,Dhergaana Ka Daran,

0
Monday April 12, 2021 - 09:35:21 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 915
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhadhanshaa Ku Waalan ,Dhergaana Ka Daran,

    Ismilaahi Alraxmaan Alraxiim,[A.S.C.W.R.W.B]

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ismilaahi Alraxmaan Alraxiim,[A.S.C.W.R.W.B]

Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasheeda.

Dharaara Ka Hadhayo,Waa Dhamaad Xilkiiniye,

Dhaameelna Muu Hadhin,Xoolo Laysu Dhiibaye,

Dhankastaba U Daaqdo,Dhaaxaa Cantuugteen,

Dhumasho Dhabarku Muuqdo,Dhukusada Dayo,

Dhawaanba Tegaysaane,Dhaqdhaqaaqa Joojo,

Dhulka Dhiga Amaanada,Muday Idinku Dhaafte,

Dheeraadba Ku Noqoten,Dhaqalihiyo Qarankaba,

Dhidarkii Xabaal Qoday,Qudhunbu U Dhaadhcay,

Dhabadan Aydin Haysaan,Taasay U Dhigantaaye,

Dhaartii Aydin Jebiseen,Dhibteedi Wayna Haysaa,

Dhamac Iyo Abaariyo,Dhuxul Aasaniyo Raran,

Dhalan Rogay Dhulkoodo,Dhiiga Miirataad Tiin,

Dhuuga Iyo Qaniinkaan,Dhergahayninba Tiin,

Dhulkan Ayaxi Rogayee,Ka Dhameeyay Saracee,

Koronkoradi Uu Dhalay,Dhulka Geliyeyba Tiin,

Dhiigiina Waxa Galay,Xaaraantaad Ka Dhergten,

Dhawrba Ka Nabadgalay,Meel Gaara Lagu Dhigay,

Dhaqaniyo Distoorkaba,Dhabarka Ka Jebiseen,

Dhanlaaxda Na Qadeen,Dhuuxdeen Laf Dheertii,

Dhiga Xeerka Sidataan,Kuwa Danba Dhamaystir,

Waxkasto Inaga Dimane,Dhaafa Qaranka Dhawacan.




Ismail Abdillahi Handuleh.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...