Taariikh nololeedka Amiir Philip
Badi ragga Soomaalidu ma jecla in ay guursadaan gabadh ka mutacalimsan, ka shaqo iyo lacag badan ama ka awood badan oo waxayba Soomaalidu tidhaa, hadday gabadhaad guursataa dhari kuula timaado waa laga kala jabiyaa. Amiir Philip markuu guursaday Amiira Elizabeth II, 20 Nov 1947, dhaqankaa ragga Soomaalida dhag umuu dhigin oo ooridiisa ayuu 100% isku dhiibay markay noqotay Boqoradda Ingiriiska.
Amiir Philip Mountbatten oo asalkiisu ka soo jeedo dalka Greece ka, magaciisuna ahaa Philippos Schleswig-Holstein Sonderburg-Glucksburg, wuxuu ka dhashay qoys boqortooya ah oo Greece ah. Wuxuu ku dhashay Jasiiradda Corfu ee dalkaa 10 June 1921. Dagaalkii Turkishka iyo Giriiga ee 1919 - 1922 ayaa aabihii Andrew lagu eedeeyey khayimul Waddan waxayna kaliftay in qoyskiisu ka qaxaan Greece isagoo ilma yar ah.
Dagaalkii adduunkee labaad kadib, Ingiriisku diyaar umuu ahayn in Amiira Elizabeth ay guursato Amiir Philips oo afarta hablood ee la dhashay ay guursadeen sarakiil sare oo Jarmal ah. Si arrinkaa looga hortago, Amiir Philip sharciga Ingiriiskaa la siiyey, wuxuuna qaatay magaca reerka hooyadii- Mountbatten. Amiir Philip waxa kaluu ka tanaasulay mansabkiisii ' Amiirka Greece iyo Denmarkâ.
Markuu guursaday Amiirad Elizabeth II oo ay xagga Boqorad Victoria iskaga xidhanyihiin, dhinaca hooyadii Amiira Alice oo ay Boqorad Victoria ayey ugu toosnayd, Amiir Philip, wuxuu ogolaaday in uu Boqoradda u noqdqo taageere daacad ah oo marwalba ka tallaabo danbeeya, wuxuuna ka tanaasulay himilooyinkiisa shakhsiga ahaa si uu u raaligeliyo.
Amiir Philip iyo Amiira Elizabeth II oo fasax ku maqan dalka Kenya ayuu Boqor George xanuun la soo darsay u dhintay. Amiira Elizabeth II iyo Amiir Phlip markiiba Ingiriiskay ku soo noqdeen. Sidaa darted, Amiira Elizabeh II waxay la wareegtay Taajkii Boqortooyada Ingiriiska waxana la caleemo saaray 2 June 1953 oo ay noqotay Boqorad Elizabeth II.
Amiir Philips oo mansabkiisu Ingiriisku ahaa Duke of Edinburgh, iyo Boqorad Elizabeth II waxay is qabeen 73 sannadood. Waa Boqortooyada Ingiriiska guurkii ugu wakhti dheeraa. Afar carruur ah ayey isku dhaleen: Amiir Charles, Amiira Anne, Amiir Andrew iyo Amiir Edward. Amiir Philip 99 jir buu ahaa markuu Jimcihii 9 April dhintay.
Maxamad Cumar Meygaag - Taag
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!