Xoriyadu waa maxay?

0
Monday April 12, 2021 - 09:28:08 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1855
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoriyadu waa maxay?

    Ma waxa xayawaanku diiday ayaynu qaadan karaynaa?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ma waxa xayawaanku diiday ayaynu qaadan karaynaa?



Waxaan ka seexan waayay codkii iyo muusanawgii iyo miyawdii bisadaydii guriga ila joogtay , oo sariirtii aan ku jiifay iigu timi oo isku xoqaysa.

Mar waxaan is idhi : Malaa way gaajoonaysaa , oo inta aan kacay ,ayaan cunto u soo dhigay

Markaasay is kagadhaqaaqday oo Hadana bilawday muusanawgeedii iyo miyawdeedii

Hadana waxaan is idhi

Malaa way haraadan tahay ee soo waraabi

Biyo ayaan u soodhigay .

Inta ay iskagadhaqaaday

Ayay ka sii dartay.

Markaasaan is idhi: yaa ku barafka afka xayawaanka ,sidi Nebi suleiman cs oo kale

Si aad u garato ama u fahanto, waxa ay doonayso.

Kabacdi waxay u dhaqaaqday dhinaca albaabka oo ay miyawgeedii ka sii kordhisay iyada oo eegaysa albaabka dhinaciisa

Markaasaan Albaabkii furay

Markaasaa inta ay faraxday dibeda u booday oo ay carartay oo is rog rogtay dhulka.

Markaasaan gartay in ay iftiinka iyo qoraxda doonaysay iyo xoriyadeeda.

Hadaba xayawaankii ayaa xoriyadiisii sidaas u doonaaya.

Hadaba adiga oo banii aadam ah , qaarbaa xoriyadaadii kuu ogolayn, ilaahay ku siiyay ee kuugu deeqay.

Ma waxa xayawaanku diiday baynu qaadan karnaa?

Xoriyadu waa sida iftiinka qoraxda oo kale.

Cid qarin kartaa ma jirto ama is-hortaagi kartaa.

Xoriyadu waa nolosha.

Nolol aan xoriyad lahayni, maaha nolol




 

Cali maxamed Biixi

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...