Amaanka Muqdisho oo la adkeeyay iyo Baarlamaanka Oo maanta Fadhiisannaaya

0
Monday April 12, 2021 - 08:09:26 in News by A. Asbaro
  • Visits: 598
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Amaanka Muqdisho oo la adkeeyay iyo Baarlamaanka Oo maanta Fadhiisannaaya

    Amaanka Muqdisho oo la adkeeyay iyo Baarlamaanka Oo maanta Fadhiisannaaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Amaanka Muqdisho oo la adkeeyay iyo Baarlamaanka Oo maanta Fadhiisannaaya

Muqdisho(HWN):-Ciiddammo dheeraad ah ayaa la soo dhigay dhammaan-ba jidadka soo galaaya xarunta madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo maanta oo Isniin ah lagu waddo in Xildhibaannada Baarlamaanka fadhi ku yeeshaan xaruntooda Villa Hargeysa.


Kulanka maanta oo xalay lagu wargaliyay mudanayaasha Baarlamaanka waxaana la sheegay in ajandaha kulanka uu noqonayo mooshin la xidhiidha doorashada Soomaaliya oo lagu duuldareystay is afgarad laga gaadho.

Waxaa soo baxaya shaki la xidhiidha in marka danbe guddoonka Baarlamaanku cod galiyo mooshinka halkaana uu ka soo baxo muddo korarsi muddo dheerba la hadal hayay.

Dhawaan Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in gabi ahaanba fashil ku soo idlaadeen kulamo xiriir ah oo madaxda DF iyo kuwa dowlad gobolleedyada ka yeesheen arrimaha doorashooyinka, waxaana ay ku eedeysay madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland in ay mas'uul ka yihiin wada hadallada fashilmay.

Dhowr jeer oo hore ayaa waxaa baaqday kulamo uu yeelan lahaa Baarlamaanka kaasoo xildhibaannada mucaaradku ku sheegeen in la qorsheynayay muddo korarsi labo sano ah oo la horkeeno.
Loading...
Loading...