Real Madrid Oo Goolal Tiro Badan Lagu Miisay Iyo Ajax Oo Ka Reebtay Champion League+Sawiro

0
Wednesday March 06, 2019 - 00:56:29 in News by
  • Visits: 1906
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Real Madrid Oo Goolal Tiro Badan Lagu Miisay Iyo Ajax Oo Ka Reebtay Champion League+Sawiro

    Real Madrid Oo Goolal Tiro Badan Lagu Miisay Iyo Ajax Oo Ka Reebtay Champion League+Sawiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Real Madrid Oo Goolal Tiro Badan Lagu Miisay Iyo Ajax Oo Ka Reebtay Champion League+Sawiro

Kooxda Real Madrid oo difaacanaysay horyaalka xiisaha badan ee ay ku kulmaan kooxaha qaarada yurub ee Champion League ayaa guud ahaanba laga reebay tartankaasi.


Kooxda Real Madrid ayaa isaga labaad ee wareega 16-ka marti gelisay kooxda dalka Holland ee Ajax ayaa la kulantay guul daro xanuun badan oo ay ku macasalaamaysay tartankii ay ugu jirtay difaacashada horyaalnimada kooxaha Yurub.



Is Aragii hore ee labada kooxood oo ka dhacay garoonka kooxda Ajax ayaa lagu soo kala baxay guul laba gool iyo hal ah oo ay gaadhay kooxda Real Madrid, balse garoonkeeda Bernabue ayaa haatan lagaga reebay tartanka.


Kooxda Ajax ayaa afar gool iyo hal kaga talaabsatay Real Madrid oo awoodi wayday inay guul ku gaadho garoonkeeda, sadex gool oo dardaran doori ayaa markiiba lagaga naxsaday kooxda Real waxaana daqiiqadii 7aad ee ciyaarta goolka koowaad u dhaliyey Ajax ciyaaryahanka Hakim Ziyech, halka daqiiqadii 18aad uu goolka labaad dhaliyey David Neres iyada oo daqiiqadii 62aadna uu goolka sadexaad dhaliyey Dusan Tadic.


Balse Real oo weeraro isdaba joog ah kaga jawaabtaygoolashaas dardooriga ah ee lagu miisay ayey u suura gashay in daqiiqadii 70aad uu goolka madiga ah u dhaliyo weeraryahanka Marco Asensio balse laba daqiiqo ka dib oo wakhtiga ciyaartuna ku beegan tahay daqiiqadii 72aad ayaa ciyaaryahanka Lasse Schoene waxa uu goolka afaraad u dhaliyey kooxdiisa Ajax kaas oo cirka ku sii laalay rajadii kooxda Real Madrid.

Dedaalo badan oo ay sameeyaan ciyaaryahanada kooxda Real ayaa waxba ka badali waayey natiijada ciyaarta, iyada oo kooxda Ajax ay noqotay kooxdii ugu horaysay ee iska xaadirisa wareega 8 dhamaadka ee tartanka Champion League.

 

 

Loading...
Loading...