UNICEF Oo Wakiil Cusub U Soo Magacaawday Somalia Balan Qaadna Sameeyay

0
Sunday April 11, 2021 - 08:59:53 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 670
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    UNICEF Oo Wakiil Cusub U Soo Magacaawday Somalia Balan Qaadna Sameeyay

    Wakiilka cusub UNICEF ee Soomaaliya Dr. Mohamed Ayoya ayaa carabka ku adkeeyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakiilka cusub UNICEF ee Soomaaliya Dr. Mohamed Ayoya ayaa carabka ku adkeeyay




Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Balal Maxamed Cusmaan, ayaa maanta oo Sabti ah kaga guddoomay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho waraaqaha aqoonsiga wakiilka cusub ee UNICEF ee Soomaaliya, Dr. Mohamed Ayoya.

 

Wasiirka iyo wakiilka oo kulan yeeshay ayaa ka wada hadlay fududeynta howlaha UNICEF ay ka fulinayso dhammaan gobollada Soomaaliya, iyadoo loo marayo hey’adaha kala duwan ee dowladda.

 

Wakiilka cusub UNICEF ee Soomaaliya Dr. Mohamed Ayoya ayaa carabka ku adkeeyay inuu dadaal ku bixin doono xoojinta wadashaqaynta iyo howlaha isku duwidda ee kala dhexeysa Xukuumadda Federaalka si wax looga qabto xaaladaha beni’aadanimo, loona hirgeliyo barnaamijyada adeegga bulshada ee ku suntan dhallaanka, Hooyada, Waxbarashada iyo caafimaadka.


Loading...
Loading...