Ila Qosol … Waar Laxda Meesha Ka Fura.

0
Saturday April 10, 2021 - 08:45:01 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1452
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ila Qosol … Waar Laxda Meesha Ka Fura.

    W/Q: Cabdullaahi Maxamed Cumar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cabdullaahi Maxamed Cumar

Nabad akhristayaal,



Wadaad Soomaaliyeed ayaa beri reer adhiley ah soo martiyey. Markii ay reerkii arkeen haybadda diineed ee ka muuqata, ayay wadaadkii aad u karaameeyeen oo ay is yidhaahdeen ducada kala hadha- si ay dad iyo duunyaba u barakoobaan!

 

Markii uu adhigii reerku fiidkii soo xero galay, ayaa wadaadkii loo loogey (qalay) lax tabis ah -waa tu shilis oo aan sannadkaasi dhalin oo wada baruur ah! Laf iyo lud wixii ay lahaydna, habeenimadii ayuu sheekhii ku wardiyey!


Socodkii uu soo galay iyo hilbihii uu xalay ka hirqaday awgood, dacar ama qaras ayaa wadaadkii ku kacday!

 

 Haddaba, isaga oo bastii ah oo laqanyo la jiifa; ayaa subixiina markii adhigu dareerayey, wan saddex jir ah adhigii laga soo reebay oo meel agtiisa lagu soo xidhay - si maalinimada loogu qalo wadaadka.


Warba waa ka dambeeyee, mar kasta oo uu wankii ciyaba, sheekhii matagayuu ka wareegayey  - sii deynayey! Wadaadkii oo ildaran oo hiil iyo habarba u jabay, ayaa mar dambe dhawaaqay oo dhawr jeer yidhi, "Waar laxda meesha ka fura!"



Allahayoow duco ma ka dhacday! Mise habaar baa ka dhacay?

Cabdullaahi Maxamed Cumar

Email: [email protected]

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...