Wasiir Faratoon Oo isku Riyaaqay Xafiiskii Arrimaha Dibadana ka Huleelay Isagoo Wax Micne Leh Aan Qaban.

0
Saturday April 10, 2021 - 08:35:09 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1264
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Faratoon Oo isku Riyaaqay Xafiiskii Arrimaha Dibadana ka Huleelay Isagoo Wax Micne Leh Aan Qaban.

    Qore: Cabdi Muxumed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore: Cabdi Muxumed

Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) waxa ay ahayd in uu mar hore galo nasasho da’diisa awgeed laakiin meesha oo Afrika iska ah aawadeed qubuuruha ayaa ah meesha kaliya ee ay kuwa talada  gacanta ku dhigaa ku qaatan hawlgabkoodda. Inta wadku uga imanayo kolba meel inta ay ka hillacaan ayay way kan tuun guraan. Kol uu ku yidhaa waxaan ahay Wasiir Waxbarasho, ku arrimo dibaddeed, xildhibaan wakiillo amase aan u tartami doono guddoomiye Golle Wakiillo waa haddiiba aan soo baxo oo aan noqdo xubin Wakiiladda ahe. Taasi ayaa u ah caddayn inaanu diyaar u ahayn isaga iyo kuwo kaleba inay nastaan oo ka darane aanay wax allaale wax ay soo qabteena dalkaa aanay jirin. Xillalkaa uu soo maray ama soo mareenba oo dhan marka laga reebbo mushahar, gunno iyo waxan ay ugu yeedhaan mansab laakiin aanu ka tagin wax dhaxal ah oo ummaddu ku tidhaahdo hebel ayaa waxaa iyo waxaa inoogga tagay oo aan ugu ducaynaynaa, kuna amaanayaynaa. Soona heli maysid qof iyo dhif mooyee cid ummaddaa wax dhaxal ah uga tagtay intii ay Somaliland ahayd, kuwaasi ayuuna Faratoon ka mid yahay oo wax la taaban karo ma soo qaban.

Mid ka mida xubnaha labadda golle ee guurtidda amase wakiiladda oo ay isku deegaan yihiin ayaa ii sheegay inuu oday Faratoon ku dheereeyo shayga la yidhaa jikaarka isla markaana aan lagu xaman dabeecad wanaag oo uu leeyahay dabeecadda xoorka oo ay yar tahay inaad is fahamtaan oo aydun wax meel isla dhigtaan.

 

Sanadkii 2019 bishii December ayaanu mudo kooban Coffee ku wada cabnay Cafeteria (Maqaaxi) ku taal magaalo aanu wada daganahay, iyadoo aan mudo ku dirqiyay bal inaanu is aragno oo aanu ka wada hadalo bahalkan ictiraafka la yidhaa ee muddo 30 sanno ah ku noqday Somaliland laf dhuun ku taagan, kaasi oo aan u maray Hawlwadeeno iska waraabe taag ah oo ka tirsan Wasaaradda uu xukumo ee arrimaha dibadda aakhirkiina ku qabsoomay maqaaxi yar oo aanu wada fadhinay wax 20 daqiiqo aan gaadhayn. Waxaanad moodaysay inuu ku soo talo galay inaanu waxba dhagaysan ee uu aniga uun is lahaa ku qanci wixii markii horeba maskaxdiisa ku jiray.

Salaan ka dib waxaan u sheegay in aanay Somaliland waligeed ku keeni karin qaab Siyaasiya aqoonsi caalamiya oo ay ka kasbato adduun waynaha, laakiin taa ay ka dhowdahay in lagu baadi doono qaab sharci ah oo isaga waa citiraafkan dhuunta Lafta ku qotoma noqdaye ayaaba sharci ah. Ka dib waxa ii caddaatay sidii aan kor ku soo xusay xildhibaanka ka mida golayaasha Somaliland ee ay isku deegaanka ka yimaadeen oo sidii uu sheegay inuu jikaar aan loo baahnayn igala hor yimi. Iyadoo aan jikaar meesha looga baahnayn, taa badalkeeda la rabo in la lafo guro arrinka ka maqan 6-da million (Waa inta lagu qiyaaso in tirokoobka dadka reer Somaliland yahaye ) ee shacbi waynaha Soomaliland. Intaa waxa u dheeraa dag dag iyo wax dhagaysi la’aan aad ogaanayso in ka xil loo dhiibaa aanu cidna ka haybadaysanayn ee uu cidda kaliya ee uu iska ilaalaiyaa tahay ka madaxwaynaha ka ah ee meesha u magacaabay. Sidaa darteed waxa markiiba sida cadceedda u cadaatay in Faratoon yahay ninkii u xildhibaanku sheegayay oo aan biyo is marin. Allow maxaanu qaar kuwaas oo kale ah in baddan aragnay.

Mudo ka yar 20 daqiiqo waanu ku kala kacnay fadhigii isagoo diiday faahfaahintii iyo qaabkii aan u soo jeediyay in lagu doono Citiraafkan meel lagu sheego la layahay. Haddaba bal adigu si dheh kuwan Somaliland lagu soo habaaray ee aan keenayn talo aynu ku guurno, ta loo soo jeediyana aan qaadanayn.

Sidaas ayuu ku burburay kulankii ka dib, labo nin oo aanu saaxiib nahay oo ogaa tagistaydii aan u tagayay ayaa goor danbe oo aan ka soo laabtay kulankaa aan macnaha badan lahayn I waraystay oo igu yidhi ma is aragteen odaygii maxaase kulankiinii ka soo baxay? Anna waxaan si fudud ugu jawaabay marka la bilaabo saacaddii aan gurigayga ka baxay ilaa intii aan gaadhay goobtii aan ku kulanay qadarkii yaraa ee aanu wada fadhinay iyo soo noqodkaygii waxa ay dhamayd ilaa 3 saacadood, markaa waxaan odhan karaa uun 3 saacadood oo maalintayda ka mid ah ayuunbuu iga khasaariyay wasiirka Faratoon.

 

Faratoon ma keenin wax uu ku faano, waxaana uu sheegay inuu is casilay laakiin anigu waxaan u haystaa in Muuse Biixi Cabdi (Wax Ma Yaqaan) uu dhagta u saaray inuu yidhaa waan is casilay deh oo waxaan u tartamayaa xubin gollaha Wakiiladda ah, isla markaana ka sii dhex tartami doona gollaha dhexdiisa, si aan u noqdo gudoomiyaha gollaha. Waayo cid kale oo uu soo qabto oo ka soo jeedda deegaanka Wasiir Faratoon oo iska sharaxdda Gobolka Sool ayaan muuqan dabadeedna Muuse waxa ay ku kaliftay inuu faro Faratoon inuu yidhaa waan is casilay, ka dibna jagaddaa golaha Wakiiladda ah ayaan u tartamayaa. Isaguun maaha ee waxa kale oo ku lamaan oo uu isna farriin taa la mida uu faray yarkii Afhayeenka Madaxtooyadda Maxamuud Jaamac iyo waliba Xildhibaan Bukhaari,oo uu hore u sii faray isna inuu yidhaa waan iska casilay gollihii wakiiladda ka dibna aynu ku war helnay Shaxdii hay’adda caymiska. Waxaasi oo dhami waa Shaxihii faashilka ahaa ee Muuse (Wax ma yaqaan) waana kuwo sida dharaarta u cad.

 

Haddaba Faratoon waxa uu ka tagay kursi madhan oo madow iyo xafiis madhan mana sheegi karo wax la taaban karo oo uu Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland ku soo kordhiyay mudaddii uu joogay. Aan ka ahayn booqashooyin dhowr ah oo uu ku weheliay Muuse Biixi Cabdi siddii kuwii Jabuuti iyo Guinea oo cid kale salaxday ee aan ku iman dadaal diblomaasiyadeed oo uu isagu qaaday iyo kuwo shaqsi ah oo uu ku soo gaadhay reerkiisa oo dagan UK. Waxaase runtu tahay ka hadalkan ku soo beegmay waxan uu ugu yeedhay is casilaad inuu ka hadlay oo uu yidhi guddo iyo dibadba meel fiican ayaynu maraynaa Covid-19 iyo abaarahana uu ka yidhi hadalo iska gole ka fuul ah, waxaa wanaagsan in si quman loogu sheego bal inuu inoo sheego wax la taaban karo oo uu qabtay intuu wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ku magacownaa. Lama soo helayo marka laga tago Kursigaa madow ee dhex yaalay Xafiiskaa madhnaa ee uu dhex fadhiyay iyo socdaaladda aan kor ku soo xusay oo aanwax natiijo ah oo ka dhalatay aan la arag.

Aan ku soo af-meero maqaalkaygan Wasiir Faratoon sidii wasiiro tiro badan oo Somaliland soo maray ilaa 1991, badina ahaa danaystayaal aan waxba u qaban Umadda Somaliland adna Faratoonow kuwaa uun baad la mid ahayd oo wax aan jikaar iyo wax tarnimo la’aan aan ahayn kalama aad tagin wasaaraddii arrimaha dibadda ee Somaliland ee bal aandhowro in Eebbe, waa karaaye uu keeno mid ku dhaama oo wax dhagaysata wax macno leh oo la taaban karo ku soo kordhiya Somaliland dan iska Habaaran.

 

Qore: Cabdi Muxumed

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...