Musharraxiin Miisaan Leh Oo Komishanku Soo Reebayo Iyo Xisbiyada Oo Si Hoose U Badalaya

0
Thursday April 08, 2021 - 15:05:15 in News by
  • Visits: 2194
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musharraxiin Miisaan Leh Oo Komishanku Soo Reebayo Iyo Xisbiyada Oo Si Hoose U Badalaya

    Musharraxiin Miisaan Leh Oo Komishanku Soo Reebayo Iyo Xisbiyada Oo Si Hoose U Badalaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musharraxiin Miisaan Leh Oo Komishanku Soo Reebayo Iyo Xisbiyada Oo Si Hoose U Badalaya


Hargeysa(HWN):-Ku Dhawaaqista Liiska rasmiga ah ee kama dambaysta ah ee Musharraxiinta Golaha wakiillada ee Dalka oo dhan ayay ka hadhsan tahay muddo tobaneeye cisho ahi sida uu xeerku dhigayo iyada oo xeerku dhigayo in muddo bil iyo badh ah laga horraysiiyo ku dhawaaqista kama dambaysta ah ee u tartamayaasha Kuraasta Golaha Wakiiladda Somaliland ee dhamaan Goboladda Dalka oo dhan.

Komishanka Iyo Xisbiyada Oo Kala Saxeexday Xeerka Anshaxa Doorashooyinka - Radio Somali italian


Ilo-wareedyo u dhuun daloola Axsaabta qaranka iyo Komishanka Doorashooyinku waxa ay wargeyska Foore u sheegeen in wada socod hoose oo ay Komishanka iyo Xisbiyada qaranku ku hawlanaayeen maalmihii ugu dambeeyey lagu kala hufayay xubno Musharraxiin ah oo buuxin waayay shuruudaha Koomishanka Doorashooyinka Qaranka taasi oo Komishanku si hoose ugu gudbiyo Axsaabta oo Iyana qaarkood si hoose loo soo baddalo iyada oo aan la shaacin ama aan Bulshada loo soo ban dhigin.


Tiro dhawr ah oo ka mid ah Musharraxiinta u taagan Doorashada Golaha Wakiillada Somaliland iskana sharraxay qaar ka mid ah Gobolada dalka oo Komishanka Doorashooyinku soo qabtay kadib markii ay buuxin waayeen shuruudaha u yaalla ayay Komishanku wada xaajoodyo hoose xisbiyada kula dhammeeyeen in si degdeg ah beddelkooda loo soo gudbiyo taasi oo ay xisbiyadu ku hawlan yihiin sidii ay u baddali lahaayeen si hoose oo aan lahayn wax buuq iyo hadal ah toona si looga gaashaanto in uu wax khilaaf ahi ka yimaaddo arrintaasi.


Ilo-wareedyadani waxa ay noo xaqiijiyeen in inkasta oo wali ay jiraan qaar la isku mari la’yahay baddalkooda iyo xal ka gaadhistooda haddana ay badi hawshani si wanaagsan oo hoose uga dhex socoto Xisbiyada iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo u muuqda kuwo ay ka go’an tahay in ay hawshaasi si hoose oo qabaw u dhammeeyaan wixii Musharraxiin ah ee sidaa ku soo hadhana baddalkooda la geeyo Komishanka.


Dhawaan ayay ahayd markii sidan oo kale qaar ka mid ah Musharraxiinta Golayaasha Deegaanka oo buuxin waayay shuruudaha u yaalla uu Komishanku soo celiyey taasi oo keentay in ay xisbiyada lagu celiyey Iyana dib usoo baddalaan oo baddalkooda keenaan sidaana badiba lagu dhammeeyey hawshaasi.


Lama oga wakhtiga rasmi ahaan ay qaadan doonto in hawshan lagu soo gabogabeeyo oo la soo saaro Liiska kama dambaysta ah ee Musharraxiinta Golaha Wakiillada ee Komishanka iyo axsaabtu isla dhammeeyaan.

 


Loading...
Loading...