"Guddoomiyaha Xisbi Ee Musharrax Madaxweyne Doonayaa Waa Inuu 6 Bilood Ka Hor Iska Casilaa Xilka Guddoomiyaha Xisbiga"

0
Thursday April 08, 2021 - 14:52:38 in News by
  • Visits: 1683
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Guddoomiyaha Xisbi Ee Musharrax Madaxweyne Doonayaa Waa Inuu 6 Bilood Ka Hor Iska Casilaa Xilka Guddoomiyaha Xisbiga"

    "Guddoomiyaha Xisbi Ee Musharrax Madaxweyne Doonayaa Waa Inuu 6 Bilood Ka Hor Iska Casilaa Xilka Guddoomiyaha Xisbiga"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Guddoomiyaha Xisbi Ee Musharrax Madaxweyne Doonayaa Waa Inuu 6 Bilood Ka Hor Iska Casilaa Xilka Guddoomiyaha Xisbiga"


Hargeysa(HWN):-Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo ka qayb-qaadanayey dooddii Xildhibaanada Golaha Wakiillada ee xeerka ururrada iyo axsaabta ee wax ka baddelka iyo kaabista lagu sameeyey, ayaa soo jeediyey in loo baahan yahay in Guddoomiyayaasha Xisbiyadu ay iska casilaan xilka Guddoomiyenimo lixd bibood ka hor shir weynaha Xisbiga, isla markaana uu Xisbiga dhex-diisa ku tartamo Musharrax Madaxweynaha ee Xisbiga, balse isagoo Guddoomiye ah oo awood leh inuu Musharrax Madaxweyne Xisbiga gudihiisa ku tartamaa ay dhawacayso dimuqraaddiyadii.

Guddoomiyeyaasha Saddexda Xisbi Qaran Oo Ka Waramay Kulan Ay Nirobi Kula Yeesheen Qaadhaan-bixiyeyaasha | SDWO.COM & SomalilandNews.net


Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa ayaa waxa kamid ahaa haddaladisii kuwan :-" Musharraxa Madaxweyne ee Xisbi u tartamaya waxa looga baahan yahay inuu isaga oo shaadhkii Guddoomiyenimada xidhan oo awooddii Guddoomiyenimada haysta inuu yidhaa waan la tartamayaa, yaa ila tartamaya oo uu soo fadhiisto halkan waa laga qurux baddan yahay dimuqraadiyaddiina wey ku baaba’aysaa dadkii kale ee musharraxiinta noqon lahaa ee xisbiga ka tirsanaa cagta ayaa la saarayaa, cid dooranaysa iyo cid Gole Dhexe ah oo u codaynaysaa midna ma jirto.”Ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa.


Xildhibaan Buubaa oo haddalkiisa sii wataa waxa uu intaasi ku daray: "Markaa waxa aan halkan kusoo dari lahaa Musharrax xisbiga guddihiisa u tartamaya inuu noqdo Musharrax Xisbiga ee Madaxweyne iyo Madaxweyne ku-xigeenkiisa in xilka Guddoomiyenimada lix bilood ka hor uu ka tago maalinta la qabanayo shirweynaha Xisbiga ee lagu dooranayo Musharax Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa .”ayuu yidhi.


Dhanka kale Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa ku teliyey in doorashada Musharrax Madaxweyne ee Xisbiyadu ay noqoto mid Tageerayaasha Xisbiyadu ay cod ku kala saaraaan Musharraxiinta u tartamayaa Madaxweynaha iyo ku-xigeenka ee xisbiga "Waxa kale oo aan soo kordhin lahaa marka musharraxa la xulayo maaha in Gole dhexe oo keli ahi ay xulaan, cidda tartamaysa ee Xisbiga dhexdiisa ku tartamaysa waa inay doorasho Xisbiga gudihiisa ah qabtaan oo lixda gobol ay soo maraan oo tartan furan lagu kala saaraa, tageerayaasha Xisbiga iyo kaadiriinta Xisbigu ay ku kala saaraan Musharraxa u noqonaya Xisbiga Musharrax Madaxweyne” ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo wakiilada ahi .


 


Loading...
Loading...