Siyaasi Cabdilaahi Darawal Oo Soo Bandhigay Aragtida Uu Ka Qabo Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani

0
Thursday April 08, 2021 - 14:48:40 in News by
  • Visits: 2532
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Cabdilaahi Darawal Oo Soo Bandhigay Aragtida Uu Ka Qabo Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani

    Siyaasi Cabdilaahi Darawal Oo Soo Bandhigay Aragtida Uu Ka Qabo Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Cabdilaahi Darawal Oo Soo Bandhigay Aragtida Uu Ka Qabo Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani


Hargeysa(HWN):-siyaasi Cabdillaahi Xuseen IimaanDarawal oo hadal ka jeediyay madal lagu shaacinayay musharraxiinta Golaha Wakiillada iyo goleyaasha deegaanka Hargeysa iyo Balligubadle ee beeshiisa oo xisbiga Waddani ka sharraxan ayaa tilmaamay in aanu xisbiga ka mid ahayn laakiin, Xisbigu yahay mid aan la kala lahayn oo ciddii tagtaaba aanay ka dareemayn in cidi ka leedahay sida uu hadalka u dhigay, isaga oo si dad-ban u tilmaamay in arrintaasi ku suuro gashay hoggaaminta Guddoomiyaha xisbigaasi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

DAAWO;-Siyaasi Cabdilaahi Dirawal Oo Ka Hadlay Arimo Xasaasiya Iyo Wakhtiga Ay Bilaabantay Khatarta Somaliland Ay Ku Hayso Somaliya! | WAJAALE NEWS


Siyaasiga Cabdillaahi Darawal ayaa waxa haddaladiisi kamid ahaa kuwan:- "Anigu Xisbiga WADDANI kuma jirin laakiin, waxaan ogahay intiinii hore ugu jirtay Xisbiga iyo intiina hadda ka daba tagtayba in aydaan ku qaloonayn, xogogaal baan u ahay ragga jooga oo waa saaxiibaday markaa in aydaan ku qaloonayn baan ogahay, in aad si fiican isula qabsataana waan ku rajo weynahay,” ayuu yidhi Cabdillaahi Darawal.


Dhanka kalena Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro oo hadalkaasi daba socda ayaa Cabdillaahi Darawal ugu baaqay in uu Xisbiga ku soo biiro "Barigii ay igu soo dhacday in aan Xisbiga sameeyo Cabdillaahi Darawal ayaan u tegay oo aan ku idhi igala qayb-qaado wuu ka cudur daartay, markii uu imika halkan ka hadlayay Ayaan islahaa wuxuu odhan xisbiga WADDANI waan ku soo biiray, laakiin waxaan leeyahay saaxiibkay Cabdilaahi Darawal fursadda Saddexaad yaanay ku seegin,” ayuu yidhi Mudane Cabdiraxmaan Cirro.


Masuuliyiintan ayaa ku dheeraaday Muhiimadda ay leedahay Doorashooyinkan isku sidkan ee dalku dhawaan u dareeri doonaa iyaga oo Bulshada ugu baaqay in ay codkooda siiyaan Murashaxiinta Golayaasha Deegaanka iyo Wakiillada ee ka sharraxan Xisbiga WADDANI oo ay ku tilmaameen kuwo xul ah oo umadda wax badan u qaban kara.

 


Loading...
Loading...