Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Xadhiga Ka Jaray Garoon Casri Ah Oo Laga Hirgeliyey Magaalada Hargeysa+Sawiro
Hargeysa(HWN):-Wasiirka arimaha gudaha somaliland ayaa xadhiga ka jaray garoon casri ah oo laga hirgeliyey magaalada Hargeysa.
Munaasibad xadhiga lagaga jarayey garoonka casriga ah ee Salaan ayaa waxa ka soo qayb galaywasiirka arimaha gudaha, wasiirka ciyaaraha, gudoomiyaha rugta ganacsiga, gudoomiyaha guddia doorashooyinka, xildhibaan Cabdiqaadir Jirde,mulkiilaha garoonka Cali Salaan Jirde iyo marti sharaf kale.
Madaxweyne ku xigeenkii hore ee somaliland Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo ka hadlay munaasibadan ayaa soo dhaweeyey hirgelinta garoonka cusub "meel qurux badan ayaa la furay taas oo qayb weyn ka qaadan doonta caafimaadka dhalinyarada, isku xidhnaantooda iyo isdhexgalkooda, runtiina casarkii laamiyada ayey caruurtu iskugu soo bixi jireen intii aan garoomadan casriga ah la hirgelin, waxanan rajaynayaa in dhalinyaradu ka faa,iidaystaan.”
Wasiirka ciyaaraha somaliland Boos Mire Maxamed ayaa dhinaciisa bogaadiyey garoonkan cusub ee la dhisay " Halkan waxa inoogu soo korodhay guul, garoonka intaas leegi waxa uu qurux iyo qiimaba u soo kordhinayaa wadanka iyo xaafadan uu ku yaalaba.”
Gudoomiyaha guddida doorashooyinka somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo isaguna ka hadlay munaasibadan ayaa waxa uu yidhi "garoomadu hada ay ku badan yihiin magaalada, waxaanan kula dardaaramayaa cali inuu ku soo daro meelo ciyaaraha kalena lagu ciyaaro sida shaxdii, jestii iyo luufkii”
Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirdeayaa sheegay inuu ka rajaynayo goobtan inay soo saarto ciyaaryahano badan "Xaafadan ciyaartoy badan ayaa ka soo baxa, waana dadka ugu badan ee tiimamka u dheela, goobtana tacab badan ayaa la galiyey oo ciyaaryahano cusub ayaa ka soo baxaya, tan ayaana ka qiimo badan in ganacsiyo iyo bakhaaro laga furto suuqyada.”
Wasiirka arimaha gudaha somaliland Maxamed Kaahin Axmedayaa dhinaciisa bogaadiyey mulkiilaha garoonkan "waxaan hambalyeynayaa Cali Salaan Jirde (Shoombe) iyo marxuumadii geeriyootay ee xaaskiisa ahayd Hibaaq Cabdiqaadir Koosaar oo inoo agaasimay garoonkan quruxda badan ee ay tacabka faraha badan galiyeen ee ay ugu tala galeen in dhalinyaradeenu ay ku ciyaaraan kana faa,iidaystaan.”