Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Maxay ka Tidhi inay Lacag Ka Qaaddo Dadka u Dhinta Covid-19 & Wejigii 1-aad ee Tallaalka?

0
Thursday April 08, 2021 - 14:22:47 in News by G. Good
  • Visits: 542
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Maxay ka Tidhi inay Lacag Ka Qaaddo Dadka u Dhinta Covid-19 & Wejigii 1-aad ee Tallaalka?

    Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Maxay ka Tidhi inay Lacag Ka Qaaddo Dadka u Dhinta Covid-19 & Wejigii 1-aad ee Tallaalka?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Maxay ka Tidhi inay Lacag Ka Qaaddo Dadka u Dhinta Covid-19 & Wejigii 1-aad ee Tallaalka?

Hargeysa(HWN):-Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, ayaa sheegtay in aan wax Dhaqaale ah la weydiinnin amma Wasaarad ahaan aanay ka qaadin Qoysaska Dadkoodu u Dhintaan Covid-19.


Lis Dairy


Madaxa Xafiiska Fayo-dhawrka iyo Xakamaynta Cudurrada faafa ee Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland Cabdiwahaab Cabdi Jaamac (Nakruuma) oo maanta Waraysi siiyey Gobanimo TV, ayaa sheegay inaanay wasaaraddu wax dhaqaale ah ka qaadin aasitaanka iyo maydhista Meydadka Dadka Xanuunka Covid-19 u dhinta, taas oo ay Wasaaradda ku eedeeyeen Bulshada qaarkood, waxaanu soo jeediyey in Ciddii la weydiiyo kharash arrintaas ku saabsan ay la soo xidhiidho Wasaaradda si tallaabo looga qaado Cidda weydiisay haddii la arko.


Nakruuma, waxa uu sheegay inaanay jirin wax Cabasho ah oo wasaarad ahaan soo gaadhay oo la xidhiidha dhibaatoyin Dad qaar sheegayeen inay kala kulmeen Tallaalka Cudurka Covid-19 oo wejigii koowaad oo toddobaadkii hore bilaabmay lagu tallaalay 65,000 (Shan iyo Lixdan Kun) oo Muwaaddiniinta reer Somaliland ka tirsan.


Loading...
Loading...