Adiga oo Istalaalay Covid 19 Makugu Dhici Karaa.
30kii bisha 3aad
ayaan qaatay tallaal karoonaha madaama aan kamid ahaa shaqaalaha kadinka hore
oo loo ogolaaday inay qaataan.
Saddexdiii bari oo ugu horraysay haba yaraatee ma dareemin wax isbadala balse maalintii afraad habeenkii ka horreeyay ayaan qandhaday , qandha qarqarya leh oo ay weheliso jir xanuun gogoshu ku danqayso.
Hadii aan qandha jabin adeegsaday ayaan sami subxiga kadib waa iga jabtay qandhadi dib danbana sidii oo kale iima qaban.
Intaa kadib waxaa
iibilaabatay 3 bari oo kale oo bukaan socod ah, waxaan dareemayay , daganaan la'aan , quudasho xumo, jir xanuun
,, gacmaha oo ii xanuunaya sida markaad waqti dheer mobile haysto ama computer
wax ku qorto oo kale, madax wareer iyo xanuun murqaha indhaha la xiriira gar
ahaan maalmihi danbe inkastoo aan shaqa maalmeedkayga caadiga watay.
Maalmihi ugu danbeyay
waxaan dareemay qufac kooban waxaana igalay shaki la xiriira Covid19. Sidaa
darteed , waxaan maalin ka hor tagay qaybta baarista caronaha isbitaalka
weyn, waa isa soo baaray, waxayna xalay shaqaaluhu ilasoo wadaageen baaristii
in layga helay Covid19.
Intaa kadib waan is
karantiilay waana caafimaad qabaa Eebbe mahadi oo ilaa shalay qufac yar maahe
wax astaan ama xanuun ah oo kale iskuma
arag.
Arinta dadka xogtayda
lasocday aad ii weydiinayeen ayaa ah
hadii lagu talaalay Covid19 makugu dhici karaa? iyo Tallaalkii jirkaaga ku jiray amay tahay natiijadaan?.
Hadaba, inkastoo
waaya aragnimada tallaalka aduunku uleeyahay wali yartahay, Covid19 waxaa loo
baaraa laba hab oo kala ah:-
1. In la baaro fayraska laftiisa ( PCR)
2. In la baaro
lid-jir-galaha (antibody)
Inta ogaalkay ah
kuxeeldheerayaasha xanuunkaan waxay qabaan inaan tallaalka laga heli karin
hadii la baaro habka hore ( PCR) oo ah in dhacaanka laga baarayo fayraskiii.
Balse tallaalka
baarista laga heli karo natiijo karoonehadii loobaaro habka labaad oo ah in dhiiga laga raadsho
lidjirgalaha kasoo horjeeda jirgalaha (
antigen-ka) fayraska carona
madaama tallaalka iyo Covid19 isu
egyihiin oo uu soo deynayo jirku lidjirgale isku mid ah.
Inkastoo aan filayo
shaqaalahii ilaso xariiray inay dhacdooyinkaan oo kale aysan la kulmin
faahfaahin aanna ka helin markaan si iskay ah uraadshay shaqaalaha qaybta shaybaarka waxay isheegeen inay dhamaan dadka hubinta ubaahan ku baaraan PCR .
Anigu shaqsiyan ma garan karo inuu xanuunku jirkayga ku jiray tallaalka ka hor inaan kadib qaaday iyo in arintaani tallaalka iyo baaritaanka si un ula xariirto balse waxaan ku qancay natiijada iyo astamaha shakiga igaliyey, waana iskarantiilay saan utaxadaro sidoo kalana waxaa dib udhici doona muddaan tallaalka kale ku qaadan lahaa ilaa 6 bilood.
Inta kadib waxaan bulshada kula talin lahaa
1. Inay isbaaraan
intaysan istalaalin
2. Inay taxadaradaan xataa haday istalaaleen
Wasaaradda caadimaadka
waxaan kula talin lahaa
1. Inay dadka istallaalaya marka hore ku xiraan inay isbaaraan
2. Inay sameeyaan
qayb daba-gal iyo cilmi baaris oo
tallaalka iyo xanuunka waxyaabaha cusub
oo bulshadu kala kulmayso ka jawaabi kara .
W/Q: Abdinur Abdirisak.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!