30 Sanadood Ka Dib Ma Dhabaa Qabiilkii Ayeynu Ka Guurnay Oo Xisbiyo Qaran Ayeynu U Guurnay?
			Qalinkii A/Rahman Fidhinle UK                        
	
	      
            
		
      
		          
      
		          
      
		          
      
		          
      
		          
		     
      
		          
      
		
		          
		     
      
		          
      
		
		          
        
      
		          
      
		          
       
	
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London
		
     
      
		          
            
    
        
    
    
                  Boowe "Runtu Ma Fantaa ! Nasiib Daro Qabiilkii Ayaa Loo Sii Guuray Oo Weliba Lasii Xoojiyey! Bal U Fiirso Qodoban Hoose :
1- Xisbiyada Somaalilaan ee maanta jiraa waa Xisbiyo  mabda'oodu 
ku kooban yahay in kursiga lagu fuulo.  Xisbiyada runta ahi sida aduunka
 oo kale waa Xisbiyo shacabku leeyahay oo xubnuhu bixiyaan taburucaad 
joogto ah bil kasta ( 
      membership fee ) Waa Xisbiyo ilaaliya Xuquuqda xubnahooda, 
 Waa Xisbiyo shacabku leeyahay ee aanu Gudomiyaha Xisbigu laheyn. Waa 
Xisbiyo  ururiya awooda dadka muwaadiniinta ah kuwaas oo ku haga kuna 
hogaamiya  barnaamijyo hufan oo  dhinac kasta ka taabanaaya nolosha 
shacabkooda . Maanta ma jiraan Somaalilaan Xisbiyo leh qorsheyaal cokan 
oo ay  ku hogaaminayaan danaha dhaqan dhaqaale ee bushada reer 
Somaalilaan ku gedaaman. 
     
     
      2- Waxaa ummadda JSL u cadaatay in doorashada is barkan ee soo socota Xildhinaanada la dooranayaa ay ku yimaadeen 
      Liis Beeleed ee aan lagu geleyn 
      Liis Xildhibaano Xisbiyadu soo xuleen iyada taasi jirto 
ayaa hadana la diiday in ay yimaadaan Tartamayaal ama musharaxiin 
Xisbiyada ka madax banaan in ay Doorasha ka qayb galaan. 
     
     
      3-  Waxaa indhaha Shacabku daawadeen  in Jifooyin musharaxiintooda
 Xanbaarsani ay Shahaadooyinkii Waxbarasho ee Musharaxiintooda lagu 
xidhay ay u raadsadeen Jaamacadihii Beeshoodu laheyd iyaga oo leh " Waa 
musharaxiinteenii ee Shahaadad Waafi ah oo ay tiirada kaga baxaan u soo 
daabaca. Cajiib!
     
     
      4-   Waxaa dhacday in nin aan weligii Xisbi gelin ay beeshiisu 
Tuurta ku soo qaataan oo ay Xisbiga ay doonaan ka soo sharaxaan taas oo 
Kaadiriintii hanka lahaa ee Xisbiyada mudada dheer ku jiray laga hor 
joogsaday in ay iska soo sharaxaan Xisbiga dhexdiisa ayaga oo aan 
Salaadiintooda iyo beeshooda wadan. Boowe !Ma sidaas ayeynu qabyaalad 
kaga baxaynaa mise xaalku waa aan ka fuudee Allow fiihaa!  
     
     
      5- Xisbiyada Maanta jiraa kama jiraan dimuqraadiyadi dhexdooda 
waxaana ay  caadeysteen in aanay ku dhaqmin Xeerarkooda iyo Xeer 
nidaamiyaha ururrada iyo asxaabta Somaalilaan  ee Xeer/ 14. Xisbiyadu 
waxay caadeysteen in ay  si yar oo sibiq ah Xisbiga uga saaraan Xubnaha 
ama Kaadiriinta hanka leh ee ugu tunka weyn iyaga oo aan la marin 
Sharcigii Xisbiga ama aan Maxkamadba la geyn.
     
     
      6- Xisbiyada Maanta Jiraa  waa Xisbiyo qof leeyahay oo (
       Monoply) ah  ku waas oo dabada ku haya beelo,  ma raacaan 
qaab-dhismeedka uu qeexaayo xeer nidaamiyihii loo dhigay ee  Xeer/14 oo 
ah xeer nidaamiyaha ururada iyo asxaabta JSL. Si madax banaan 
Gudoomiyaha looguma tartartamo,  Xisbiyadu waxay Sameystaan Xeerar gacan
 ku rimis ah oo baalmarsan  Xeer-nidaamiyahooda Xeer 14. Waxaa dhacday 
xisbiyada qaar in  Gudoomiyaha Xisbigu uu madaxweyne  3 jeer isu soo 
sharaxo isaga oo sharciga jebinaaya.  
		
      7- Qodobadan aan kor kaga soo dhawaajiyey waxay keeneen in 
Xisbiyadii laga xiiso dhaco maadaama ay xadideen xuquuqdii muwaadiniinta
 JSL, waxaana ay isu bedelaan Xisbiyo shacabku u arkaan Dukaan,  Qabiil,
 Jeegaan iyo Jifooyin beeleysan,  Ololihii doorashaduna wuxuu noqonayaa 
dhawaan hiil qabiileysan, codbixintuna ay noqon doontaaTolaayeey  iyo  
yaa reer hebel ah iyo hiil isireysan waase loo joogi doonaa doorashada 
soo socota wixii nool. 
     
     
      8-  Maanta Somaalilaan oo 
      30 jirsatay qabyaaladii  ayaa duluca furatay waxaana ay 
mareysaa heerkii ugu sareeyey abid, Madaxweynihii waxaa lagu 
shaanbadeeyey reer iyo jeegaan, Xisbiyadii waxay noqdeen Meherado qof 
hor joogo, reer iyo reero, Musharaxiintii waxay noqdeen beelo iyo jifo 
jifo markaa sidee ayeynu qaran jira oo Dimuqraadi ah ku noqon karnaa?  
Waxaa qabyaaladii hakisay haldoorkii wadaniga ahaa ee dalka iyo dadkaba 
hagi lahaa ku waas oo Xisbiyada maanta jira  ka biyo diiday in ay 
galaan.  
		
      9- Dawladu waa in ay ilaalisaa Mabaadiida guud ee qaranka una 
hogaansanaataa Dastuurka dalka, Xeerarka iyo shuruucda dalka ee salka ku
 haya Geedisocodka hanaanka Dimuqraadiyadeed ee aynu qaadanay. Xeer 
nidaamiyaha ururada iyo Asxaabtu X/14 waa in uu shaqeeyaa kuna 
Hogaamiyaa Xisbiyada hanaanka Dimuqraadiga ah ee aynu afka ka 
sheeganayno. 
     
     
      10- Dhamaan shacabka reer Somaalilaan waa in ay  soo dhaweeyaan  
wax ka bedelka lagu sameeyey Xeerka ururada iyo asxaabta Xeer /14 kaas 
oo qeexaaya in aanay geli doonin  Doorasho Xisbiyo qusqadoodii ay 
dhacday oo aan la garaneyn barnaamijyadooda Siyaasadeed ee ay dalka iyo 
dadkaba ku hogaamin doonaan mustaqbalka. 
     
     
      Alaa Mahad Leh ! 
     
     
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
        Loading...    
        
    
        Loading...    
        
    

 
         
                     0
                0            
 
    						





