Dooddii Masaajidka ku Dhexmartay Sheekha iyo Dhakhtarka

0
Thursday April 08, 2021 - 10:47:43 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1023
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dooddii Masaajidka ku Dhexmartay Sheekha iyo Dhakhtarka

    W/Q: Cali Cabdi Coomay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cali Cabdi Coomay

Masaajid aanan inta badan ku tukan ayaa dhawaan salaad ku tukaday, aniga oo u socday meel aan muraad u lahaa oo masaajidka u dhawayd. Salaaddii casar ayey ahayd, markii loo kacay salaadda ayuu imaamkii sidii caadada u ahayd salaadda yidhi qof kastaa ha is-toosiyo. masaajidka waxa la jaar ah dhakhtar inta badan salaadaha ku tukada oo dadka xusuusiya inay kala durkaan intan uu jiro cudurka Korona. Dhakhatarkii tilmaamihiisii ayuu bilaabay, oo dadkii ayuu xusuusiyey inay kala fogaadaan oo ay is ilaaliyaan. Dhakhtarkii oo aan hadalkiiba dhammaysan ayuu meel aan ka fogeyn kagga soo booday nin da’dhexe ah oo wadaad ah, markaasuu yidhi” dadku xadiiska Rasuulka’SC’ ha raacaan oo yaanay kala fogaan ee isku soo durka oo shaydaanka meel ha u bannaynina.



Koroonaha laftiisa ayuu shaydaanku la socdaa ee cibaadada ilaashada”. Nin la iigu sheegay in aanu maskax ahaan fayoobayn, balse masaajidka ku tukada, ayaa sheekhii ku yidhi” waar Shaydaankii suuqayda khaatiga lagaga taagnaa haddii uu masaajidka soo galay, maxaad ugu diidaysaa iska daa ninku ha tukadee”. Haddana sheekhii ayaa ninkii ugu af-celiyey” Xaaji mid tukanaya maaha ee waa mid salaadda dadka kaga ciyaaraya”.


Dadkii ayaa ay ku adkaatay inay go’aan ka qaataan hadalkii dhakhtarka iyo kii sheekha. Hasayeeshee dhakhtarkii ayaa u muuqday nin dib u gurtay oo xaalada aamus ah ayuu galay. Mar kale sheekhii oo ka faa’iidaysanaya fursada aamuska dhakhtarka ayaa hadalkii ku soo noqday oo yidhi” waxaan u sheegayaan dadka masaajidka u yimid cibaadada in aanay u garqaadin hadalka Rasuulka ‘SC’ iyo hadalka nin aqoon maadi ah bartay uu yidhi”. Ka dib guux iyo hadallo ay dadku is-weydiinayaan ayaa ka bilaabmay masaajidkii. Kaalintii imaamku meesha way ka baxday oo dhakhtarkii iyo sheekhii ka mid ahaa dadka tukanayey ayaa loo kala baxay. Laba oday oo ka mid ahaa dadka ugu da’da weyn masaajidka ayaa isku dayey inay qaabkii dhaqanka ku xalliyaan arrinta, waxa aanay sheegeen in diinta iyo sayniska ay Soomaalidu weligooba diinta raaci jireen, oo aan sayniska la haleyn Karin, maadaama uu yahay wax bini’aadam sameeyey. Hasayeeshee diintu ay tahay waxyi Ilaahay ummadda u soo diray. Sidaasi darteedna ay arrinta sheekhu saxsan tahay oo dhakhtarku uu raali ahaado.


Nin u muuqday inuu fahansanayaa doodda u dhaxaysa sheekha iyo dhakhtarka ayaa soo kala dhexgalay oo yidhi diinta iyo aqoonta maadigu isma diidayaan ee waa la is-waafajin karaa. Arrintana ha dhigina waran waran ku taag, ee salaadda aynu galno. Wixii intaasi ka dambeeyey dadkii waxa ay guuxaanba waxa ay raaceen hadalkii sheekha oo way isku soo dhawaadeen, halkaasina waxa lagu jebiyey dooddii dhakhtarka.


Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...