Abaar Ba'an Oo Dad Iyo Duunyaba Saamaysay Oo Ka Taagan Gobolka Saraar Ee Somaliland

0
Thursday April 08, 2021 - 09:31:58 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1183
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abaar Ba'an Oo Dad Iyo Duunyaba Saamaysay Oo Ka Taagan Gobolka Saraar Ee Somaliland

    "Waxaanu halkan ka iclaaminaynaa in maanta oo Khamiisa in la isugu soo baxo Roob-doon"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaanu halkan ka iclaaminaynaa in maanta oo Khamiisa in la isugu soo baxo Roob-doon"

Hargeysa (HWN) Guddoomiyaha gobolka Saraar Maxamed Cismaan Xaaji, ayaa bulshada ugu baaqay inay isugu soo baxaan salaad roob doon ah, taas oo lagu tukandoono fagaarayaasha ku yaala degmooyinka iyo tuulooyinka hoos yimaada gobolkaasi.




Xiligaan ayaa qeybo badan oo gobollda dalkaa waxaa ka taagan abaaro saameeyay dadka iyo duunyada.


Sidoo kale guddoomiyuhu waxaa uu bulshada ku booriyay in ay soo qaataan af-xidhka iyo wixii lagaga gaashaaman lahaa xannuunka safmarka ah ee Covid-19.


Guddoomiyaha gobolka Saraar isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi. "Waxaanu halkan ka iclaaminaynaa in maanta oo Khamiisa in la isugu soo baxo Roob-doon oo ILLAAHEY la baryo, in ILLAAHEY innaga dul qaado abaarta iyo biyo la’aanta iyo ooda lululkan, in ILLAAHEY raxmadiisa inoo shuba danbidhaafna aynu waydiisano, gacmaha ILLAAHEY ayaa lagu dhargaa in aynu ILLAAHEY tallo saarano, in aynu ILLAAHEY isu dhiibayno aynu niyada gashano.


Waxaan iclaaminaya haddii ay noqon lahayd culimada ganacsatada, bulshada qaybaheeda kala duwan, in la isugu soo baxo Roob-doon, oo degmooyinkana laga wada akhriyo roob-doontii, la isugu soo baxo in cafis la waydiisto oo ILLAAHEY aynu barrino, in ALLE bariga iyo roob-doonta loo soo baxo haddii ILLAAHEY yidhaaho walaalayaal.


Hala soo qaato dhammaan waxyaabaha lagaga gaashaman karro xannuunka safmarka ah ee Covid-19, oo weli ay xaaladiisu taagan tahay”

Loading...
Loading...