Puntland Oo Iska Fogaysay Eedo Uga Yimid Villa Somaliya, Farmaajana Ku Eedeysay Burburka Shirka Afisyoone

0
Thursday April 08, 2021 - 08:56:36 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1169
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland Oo Iska Fogaysay Eedo Uga Yimid Villa Somaliya, Farmaajana Ku Eedeysay Burburka Shirka Afisyoone

    Dowladda federaalku maxay ku eedaysay Puntland iyo Jubaland?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda federaalku maxay ku eedaysay Puntland iyo Jubaland?

Maamulka Puntland ayaa iska fogeyay eedaha dowladda federaalka Soomaaliya ay u jeedisay maamullada Puntland iyo Jubalnd ee ahaa in dhankooda ay wax ka socon waayeen kadib markii uu natiijo la'aan ku soo dhamaaday shirkii looga hadlayay khilaafka doorashooyinka ee maalmahaanba madaxda federaalka, kuwa maamul gobaleedyada iyo gobalka Banaadir uga socday magaalada Muqdisho.




Wasiirka warfaafinta maamulka Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi Timo-Cadde ayaa sheegay in madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu soo jeediyay in la soo kala nasto isla markaana aysan oggeyn meel shirku ku fashilmay.


"Shir fahsilmay ma jirin madaxweynaha wakhtigiisu dhamaaday ee Farmaajo ayaa codsaday in la soo kala nasto dibna la isugu soo noqdo kabacdina shir jara'id ayuu qabtay wasiir Dubbe intaasaan ognahay innagu" ayuu yiri wasiirka warfaafinta Puntlaand Cabdullaahi Cali Xirsi Timo-cadde.


Wasiir Timo-Cadde ayaa sheegay in sababta madaxweynuhu u dalbaday in la soo kala nasto ay tahay in la isku fahmi waayay ajandaha waxyaabaha la doonayay in shirka looga hadlo. Wuxuuna intaa ku daray in dhankooda ay diyaar u yihiin in dalka doorasho ka dhacdo hase yeshee aaney aqbali doonin wax taa ka duwan.


Inkasta oo dowladda Soomaaliya sheegtay in labada maamul ee Puntland iyo Jubalnd ay wax ka socon la'yihiin oo caqabad ku noqdeen xal laga gaaro khilaafka doorashooyinka haddana wasiir Cabdullaahi Cali Xirsi Timo-cadde oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in labadaan maamul ee ah iyaga iyo Jubaland ayba yihiin cidda dooneysa in Soomaaliya ay badbaadiyaan.


"Cidda tanaasul sameysaa innaga weeye cidda rabta in Soomaaliya ay badbaadiso innaga weeye labada dowlad gobaleed weeye diyaar ayaana u nahay in meel walba oo la isugu yimaada la garnaqsado"ayuu yiri Wasiir Timo-Cadde.


Wuxuu rajo ka muujiyay in dib la isugu soo noqdo si xal looga gaaro is mari waaga ka taagan arrimaha doorashada isagoo intaa raaciyay in ay sii joogayaan magaalada Muqdisho.


Dowladda federaalku maxay ku eedaysay Puntland iyo Jubaland?


Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay in madaxda maamulada Puntland iyo Jubaland aysan diyaar u ahayn in dalka ay ka dhacdo doorasho.


Dowladda ayaa sheegtay in wax lagu xumaado ay tahay in labada madaxweyne aysan oggoleyn doorasho.


"Xukuumaddu waxaa ay maanta u caddayneysaa umadda Soomaaliyeed in labada madaxweyne goboleed ee Puntland iyo Jubaland aysan rabin in dalkaan ay ka dhacdo doorasho uu aas-aaskeedu yahay heshiiskii 17-kii September iyo is fahankii 16-kii Febraayo.


"Waana wax laga xumaado in labadaas Madaxweyne ee Puntland iyo Jubaland ay noqdeen jid iyo jiho diid aan doorasho oggolayn".


Arrintaan ayaa kusoo aadeysaa xilli uu fashilmay shirkii horudhaca ahaa ee ka socday gudaha xerada Xalane ee magaalada Muqdisho oo u dhexeeyay madaxda dawladda federaalka iyo madaxda maamul goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.



BBC

Loading...
Loading...