War Degdeg Ah: Shirkii Madaxda Soomaaliya Ee Doorashada Oo Fashilmay

0
Wednesday April 07, 2021 - 16:56:48 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1746
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Degdeg Ah: Shirkii Madaxda Soomaaliya Ee Doorashada Oo Fashilmay

    " Xukuumada Oo Eedo Ujeedisay Maamulada Puntland Iyo Jubbaland"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

" Xukuumada Oo Eedo Ujeedisay Maamulada Puntland Iyo Jubbaland"

Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay in madaxda Puntland iyo Jubaland aysan diyaar u aheyn in dalka ay ka dhacdo doorasho.




Dowladda ayaa sheegtay in wax lagu xumaado ay tahay in labada madaxweyne aysan ogoleyn doorasho.


"Xukuumaddu waxa ay maanta u caddayneysaa umadda Soomaaliyeed in labada Madaxweyne Goboleed ee Puntland iyo Jubaland aysan rabin in dalkaan ay ka dhacdo doorasho uu asaaskeeda yahay heshiiskii 17-kii September iyo is fahankii 16-kii Febraayo.


"Waana wax laga xumaado in labadaas Madaxweyne ee Puntland iyo Jubaland ay noqdeen jid iyo jiho diid aan doorasho oggolayn".


Arrintani ayaa kusoo aadeysaa xilli maanta uu fashilmay shirkii horudhaca ahaa ee ka socday Hangarka diyaaradaha ee garoonkii ciidamada cirka ee Afisyooni ee magaalada Muqdisho oo u dhexeeyay madaxda dawladda federaalka iyo madaxda maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir

Loading...
Loading...