Tirada Dadka Ku Dhintay Dagaalka Dhexmaray Soomaalida Iyo Canfarta Oo La Shaaciyey

0
Wednesday April 07, 2021 - 14:58:47 in News by
  • Visits: 2138
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tirada Dadka Ku Dhintay Dagaalka Dhexmaray Soomaalida Iyo Canfarta Oo La Shaaciyey

    Tirada Dadka Ku Dhintay Dagaalka Dhexmaray Soomaalida Iyo Canfarta Oo La Shaaciyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tirada Dadka Ku Dhintay Dagaalka Dhexmaray Soomaalida Iyo Canfarta Oo La Shaaciyey


Ugu yaraan boqol qof ayaa ku dhintay dagaalladii dhex-maray maalmihii lasoo dhaafey Soomaalida iyo Canfarta.




Maamulka deegaanka Soomaalida iyo maamulka Canfarta ayaa ka hadlay dagaalkii maanta dhacay, iyagoo midba midka kale ku eedeeyey inuu weerarka ku horreeyey.


Cali Beddel, wasiirka Warfaafinta ee deegaanka Soomaalida oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in 25 qof ay dileen ciidanka Canfartu jimcihii lasoo dhaafay, weeraro kale oo is xig-xigayna ay ku dileen dad rayid ah oo aan tiradooda la garanayn.


Taliye ku-xigeenka booliiska Canfarta Axmed Xumed oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in dagaalka ay ku dhinteen ilaa 100 askari ah oo labada dhinac ah, waxa uu sheegay in Soomaalidu weerar kusoo qaadday:


"Ciidamada gaarka ah ee deegaanka Soomaalida ... waxay weerareen aagagga Haruk iyo Gewane iyagoo adeegsanaya hub culus oo ay ka mid yihiin qoryaha darandooriga u dhaca iyo bambooyin. Carruur iyo haween ayaa la dilay iyagoo hurdaya," ayuu yidhi Axmed oo la hadlay Reuters.

May be an image of one or more people, tree and outdoors

Loading...
Loading...