Nuxurka Wada Hadal Khadka Telefanka Ku Dhexmaray Madaxweynaha Somaliland Iyo Dhigiisa Zambia
Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa xidhiidh toos ah la sameeyey dhigiisa wadanka Zambia Edgar Chagwa Lungu kaas oo ay khadka telefanka ku wada hadleen.
sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soobaxay madaxtooyada somaliland oo lagu faah faahinayey kulan dhexmaray wefti uu hogaaminayey wasiirka cadaalada Zambia iyo madaxweynaha somaliland.
warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in madaxweynaha somaliland uu khadka telefanka kula xidhiidhay dhigiisa dalka Zambia, waxaana lagu yidhi warka madaxtooyada ka soo baxay "Sidoo kale, intii kulanku socday waxa si toos ah khadka taleefanka ku wada hadlay labada madaxweyne ee labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweynaha Zambia, mudane Edgar Chagwa Lungu, iyagoo ka wada hadlay labada madaxweyne xidhiidhka iyo danaha labada dal.