Ra'iisul Wasaare Rooble oo bogaadiyey Howlwadeennada Gargaarka Caafimaad ee la tacaalaya COVID-19

0
Wednesday April 07, 2021 - 13:27:49 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 645
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Rooble oo bogaadiyey Howlwadeennada Gargaarka Caafimaad ee la tacaalaya COVID-19

    Dhalinyarada ka howlgasha xarunta Xiriirka Dadweynaha Covid19 ayaa Ra'iisul Wasaaraha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhalinyarada ka howlgasha xarunta Xiriirka Dadweynaha Covid19 ayaa Ra'iisul Wasaaraha

BG5I6909


Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray Xarummaha Xiriirka Dadweynaha 449 oo ka shaqeeya isku xirka shacabka, goobaha caafimaadka iyo Guddiga Naf-badbaadi ee ku howlgala xarummaha dowladdu ay u qorsheysay la tacaalidda Covid19.


Howlwadeennada Caafimaadka ee ku sugnaa Cisbitaalka Banaadir oo u badan dhallinyaro, Xeeldheereyaal Soomaaliyeed ee dhanka caafimaadka ah iyo culimo si mutadawicnimo ah ugu adeegaya dadka Soomaaliyeed, iyagoo tallooyin siiya dadka la soo xiriira talooyin iyo gurmad la xiriira habka la tacaalidda cudurka Covid19.


Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay dhallinyarada ka howlgasha xarunta sida mutadawicnimada ah ee ay waqtigooda ugu hurayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, xiligaan uu dhibaatada xoogga leh ku hayo dalka xanuunka Covid19.


"Dhalinyaro Soomaaliyeed oo isugu jira wiilal iyo gabadho ayaa ka howlgala xaruntan waxay u taagan yihiin 24ka saac sidii ay ummadda Soomaaliyeed ugu caawin lahaayeen talooyinka ay u baahan yihiin, waana uga mahadcelinaynaa kaalintaas ay buuxiyeen”.


Dhalinyarada ka howlgasha xarunta Xiriirka Dadweynaha Covid19 ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyey howlaha ay qabtaan, waxa ayna tilmaameen in wicitaannada ugu badan ay ka yimaadaan gobollada dalka, halka ay Caasimadda soo yaaranayaan, halka uu guddiga nafbadbaadi, usoo gudbiyeen howlaha u qabsoomay.


Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeeed in ay muujiyaan feejignaaan dheeri ah, maadaama uu xanuunku soo labo kacleeyey ayna racaan tilmaamaha caafimaad.


BG5I6879
BG5I6856
BG5I6824

Loading...
Loading...