Qoor Qoor oo amray howlgal ka dhan ah Xoreynta Ceelbuur SAWIRO

0
Wednesday April 07, 2021 - 08:45:00 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1510
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qoor Qoor oo amray howlgal ka dhan ah Xoreynta Ceelbuur SAWIRO

    Ujeedka kormeerkiisa ayaa waxaa lagu sheegay u kuurgelida xaaladda ciidank

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ujeedka kormeerkiisa ayaa waxaa lagu sheegay u kuurgelida xaaladda ciidank




MadaxweynahaGalmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa inta uusan kaso ambabixin Dhuusamareeb safar kormeer ah ku tegay difaacyada hore ee Ciidanka Qalabka Sida ee ku sugan deegaanka Sinadhaqo iyo naxaawigiisa ee hoostaga degmada Ceelbuur.



 

Madaxweynaha waxaa Safarka ku wehliyay Wasiirka Amniga Gudaha ee Galmudug Axmed Macalin Fiqi iyo masuuliyiin kale, isaga oo la kulmay Saraakiisha iyo Ciidamada ku sugan halkaas.


 

Ujeedka kormeerkiisa ayaa waxaa lagu sheegay u kuurgelida xaaladda ciidanka war bixinna ka dhageystay saraakiisha hoggaamineysa howlgalada .


Ugu danbeyntii, Madaxweynaha Galmudug ayaa khudbad guubaabo iyo dhiirogelin iskugu jirta u jeediyay ciidamada ku sugan furimaha lagula dagaalamayo cadowga waxaana uu kula dardaarmay ciidamada iyo saraakiisha inay sii wadaan howlgalada lagu xoreynayo deeganada Galmudug iyo guud ahaanba Soomaaliya.


May be an image of 3 people, people standing, tree and outdoors
May be an image of 5 people, people standing, military uniform and outdoors
May be an image of 7 people, people standing, military uniform and outdoors

Loading...
Loading...